Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Jimcaale Madaale ayaa Sheegay in Sanadkaan ay qorsheynayaan dhisida ilaa lix wado oo ka mid ah Wadooyinka Burbursan ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha ayaa Sheegay in wadooyinka la dhisayo oo dhamaantood muhiim u ah bulshada Gobolka banaadir in ay ka mid yihiin Wadada Sodonka iyo Wadada isgooska dabka ilaa iyo isgooska Bakaaraha isku xirto waxa uuna xusay in lagu dhisi doono Mashruuca Hal Doolar ku dhiso Dalkaaga.
Sheekh Yuusuf jimcaale Madaale ayaa sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ay u suura gashay Dhisida ilaa afar wado oo muhiima ah waxa uuna sheegay in dhisida wadooyinkaasi ay iska kaashadeen Maamulka Gobolka banaadir iyo Bulshadda ku dhaqan Gobolka Banaadir.