Maamulka Gobolka Bakool ayaa maanta deeq raashiin gargaar ah oo ka timid Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka Switzerland gaar ahaan Magaalada Zurich gaarsiiyey degaanka Tuboy oo ka tirsan Gobolka Bakool.
Deeqdaan oo ka kooban Bariis iyo Saliidย ayay Jaaliyaddu u soo wakiishteen in deeqdaan lagaarsiiyo Gobolka Bakool Cashar Xasan Cumar iyo Maxamed Abshir Kaahiye , waxaana ka faaโideystay 70 qoys oo degan tuulada Tuboy oo noloshoodu aad u liidatay.
Gguddoomiye kuxigeenka Gobolka Bakool Cabdullaahi Maxamed Nuurย oo deeqdaan la socday ayaa u mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo deeqdaan walaalahooda u soo dhiibay, wuxuna sheegay in cidii ku haboonayd ay gaarsiiyeen.
Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ka codsaday in gurmad kooda ay sii laba laabaan maadaama Guโga uusan weli ka diโin degaanada Gobolka Bakool.
Degaankaan waxa magaalada Xuddur u jiraa 8km dadka ku nool waa muruqmaalato waxaana noloshooda saamaysayย abaarta,ย mana haystaan Ceelal ay biyo ka cabaan waxay dhabarkooda u soo biyo dhaansi tagaan magaalada Xuddur ee xaruunta Gobolka Bakool.