Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo shaqo ka fariisin ku sameeyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka arrimo la xiriira eedeymo musuqmaasuq ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo shaqo ka fariisin ku sameeyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka arrimo la xiriira eedeymo musuqmaasuq ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 09 April 2017 – HE Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaqadii ka fariisiyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta arrimo la xiriira eedeymo maamul xumo iyo musuqmaasuq.

Eng. Yarisow oo la wareegey xilka Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya taariikhdu markii ay aheyd 02 April 2017, ayaa bilaabay inuu dib u eegis iyo u kuurgelid ku sameeyo dokumentigii xil-wareejinta isla markaasna uu xog-wareysiyo la sameeyey shaqaalaha Wasaarada, waxaana u soo baxday inay jiraan cabashooyin fara badan iyo eedeymo cul-culus oo tilmaamaya inuu jiro maamul xumo iyo musuqmaasuq baahsan oo ay mas’uul ka yihiin Agaasimayaasha shaqada laga fariisiyey.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Sidaas daraadeed, Wasiirka Warfaafinta waxuu shaqadii ka fariisiyey Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta si hay’adaha ay khuseyso ay u sameeyaan baaritaan rasmi ah oo la xiriira eedeymahaas cul-culus.
Dowladda Federaalka waxey ahmiyad gaar ah siineysaa la dagaalanka musuqmaasuqa. Eng. Yarisow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Uma dulqaadaneyno maamul xumo iyo musuqmaasuq toona, talaabadana waa bilow la doonayo in lagu hirgeliyo maamul wanaag leh isla xisaabtan iyo fur-furnaan si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed. Fariintan waa mid ku socota dhammaan shaqaalaha wasaarada oo cidii lagu helo maamul xumo iyo musuqmaasaq waxaa loo gudbinayaa hay’adaha ay khuseyso. Musuqmaasuq waa waxa dalkan dib u dhigay, mas’uuliyadana waxey na fareysaa inaan ummada u horseedno maamul wanaag oo aan tusaale u noqono, si loo sii xoojiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.”

Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in Agaasimayaasha shaqo ka fariisinta lagu sameeyey ay qabsadaan qareen ka difaaca eedeymaha cul-culus ee musuqmaasuqa ah. Mudada ay baaristu socotana waxey xaq u leeyihiin waxii xaquuq ah ee uu sharcigu qabo.
DHAMAAD

Previous Post

Dawo La’aan Ka jirta Cusbitaalka Degmada Xudur

Next Post

Jeneraal Gaafoow “Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay”

Next Post
Jeneraal Gaafoow “Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay”

Jeneraal Gaafoow "Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay"

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In