Tuesday, October 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo shaqo ka fariisin ku sameeyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka arrimo la xiriira eedeymo musuqmaasuq ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo shaqo ka fariisin ku sameeyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka arrimo la xiriira eedeymo musuqmaasuq ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 09 April 2017 – HE Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaqadii ka fariisiyey Agaasimaha Guud & Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta arrimo la xiriira eedeymo maamul xumo iyo musuqmaasuq.

Eng. Yarisow oo la wareegey xilka Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya taariikhdu markii ay aheyd 02 April 2017, ayaa bilaabay inuu dib u eegis iyo u kuurgelid ku sameeyo dokumentigii xil-wareejinta isla markaasna uu xog-wareysiyo la sameeyey shaqaalaha Wasaarada, waxaana u soo baxday inay jiraan cabashooyin fara badan iyo eedeymo cul-culus oo tilmaamaya inuu jiro maamul xumo iyo musuqmaasuq baahsan oo ay mas’uul ka yihiin Agaasimayaasha shaqada laga fariisiyey.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

October 21, 2025
Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

October 21, 2025

Sidaas daraadeed, Wasiirka Warfaafinta waxuu shaqadii ka fariisiyey Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta si hay’adaha ay khuseyso ay u sameeyaan baaritaan rasmi ah oo la xiriira eedeymahaas cul-culus.
Dowladda Federaalka waxey ahmiyad gaar ah siineysaa la dagaalanka musuqmaasuqa. Eng. Yarisow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Uma dulqaadaneyno maamul xumo iyo musuqmaasuq toona, talaabadana waa bilow la doonayo in lagu hirgeliyo maamul wanaag leh isla xisaabtan iyo fur-furnaan si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed. Fariintan waa mid ku socota dhammaan shaqaalaha wasaarada oo cidii lagu helo maamul xumo iyo musuqmaasaq waxaa loo gudbinayaa hay’adaha ay khuseyso. Musuqmaasuq waa waxa dalkan dib u dhigay, mas’uuliyadana waxey na fareysaa inaan ummada u horseedno maamul wanaag oo aan tusaale u noqono, si loo sii xoojiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.”

Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in Agaasimayaasha shaqo ka fariisinta lagu sameeyey ay qabsadaan qareen ka difaaca eedeymaha cul-culus ee musuqmaasuqa ah. Mudada ay baaristu socotana waxey xaq u leeyihiin waxii xaquuq ah ee uu sharcigu qabo.
DHAMAAD

Previous Post

Dawo La’aan Ka jirta Cusbitaalka Degmada Xudur

Next Post

Jeneraal Gaafoow “Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay”

Next Post
Jeneraal Gaafoow “Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay”

Jeneraal Gaafoow "Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay"

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

October 21, 2025
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga danjirnimo ee dalka DRC...

Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

October 21, 2025
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa bogaadiyay tallaabada uu Golaha...

Soomaaliya iyo FAO oo ka wada hadlay sidii laysaga kaashan lahaa mashaariicda mustaqbalka

Soomaaliya iyo FAO oo ka wada hadlay sidii laysaga kaashan lahaa mashaariicda mustaqbalka

October 21, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane, Maxamed Shire ayaa la kulmay Wakiilka FAO ee Soomaaliya,...

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

October 20, 2025
0

Waddada Dimuquraaddiyadda. Waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda Muqdisho isku diiwaangalisay in ay codeeyaan inka badan 50 sano...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In