Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Wasiir ku-xigeenka shaqada oo kulan la qaatay guddi loo xilsaaray dabagalka shaqaalaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka shaqada oo kulan la qaatay guddi loo xilsaaray dabagalka shaqaalaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka uu la qaatay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada  Xukuumadda Soomaaliya guddiga loo xilsaaray daba galka dhaqan gelinta wareegtadii Ra’iisul wasaaraha ee ahayd in shaqaalaha dowladda ay shaqada yimaadaan sideeda subaxnimo kana baxaan tobanka galabnimo ayaa ka qabsoomay xafiiska Wasiir ku-xigeenka, waxaana looga hadlay dhowr arrimood oo la xiriira shaqaalaha dowladda iyo in la hubiyo waqtiga shaqo galka.

Guddigaan ayaa shaqadooda daba galka iyo hubinta waqtiga shaqaaluhu soo galayaan shaqada waxa uu ka bilaabay Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, waxaana uu guddigaasi mid mid u tegi doonaa Wasaaradaha.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Mudane Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa u sheegay guddigga in uu Xukuumadda u gudbin doono daruufaha badan ee shaqaalaha haysta.

“Waxaan ka wada hadalnay oo aan xoogga saarnay in maadaama shaqaaluhu shaqo galayaan 8:00 subaxnimo kana baxayaan shaqada 4:30 galabnimo in Miis qado loo sameeyo shaqaalaha sidoo kale waxaan isla soo qaadnay in la shaqo geliyo shaqaalaha oo 80% aan lagu shaqeyn in la shaqo galiyo” ayuu yiri mid ka mid ah guddigan howshan loo xilsaaray.

Gudigga ayaa sidoo kale waxaa uu kormeer ku tegay Wasaaradaha Howlaha Guud, Boostada iyo Hay’adda badaha Soomaaliyeed, waxaana ay hubinayeeen sida loo dhaqan geliyay wareegtada Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre.

Previous Post

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka oo u hambalyeeyay ciidanka Xoogga dalka

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka SH/Hoose oo wacad ku maray in aan loo dulqaadan doonin jidgooyo “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka SH/Hoose oo wacad ku maray in aan loo dulqaadan doonin jidgooyo “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka SH/Hoose oo wacad ku maray in aan loo dulqaadan doonin jidgooyo "SAWIRRO"

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, ayaa saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

March 13, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka...

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

March 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In