Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed uu Soo Saaray Amar Looga Mamnuucayo Maridda Gaadiidka Ciidanka AMISOM Wadadada Makka- Almukarama oo Ka Bilaabaneysa Isgooska Sayidka (Oto-Oto) Ilaa Isgooska Benaadir Laga Bilaabo Saacadaha 6:00 Subaxnimo Ilaa 12:00 Habeenimo.
Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho ayaa soo saaray Amar Looga Mamnuucayo In Gawaarida La dhigto dhinacyadda Wadaddooyinka Maka Al-Mukaramaha iyo Wadada ka baxda Km4 ilaa garoonka Aadan Cadde.
Amaradan lagu diidayo in gawaaridda la dhigto dhinacyadda laamiga ayaa looga gol leeyahay in la yareeyo Qatarta ka dhalan karto qaraxyadda Gaawaarida lagu soo xiro oo ay dad badan oo shacab ah ku dhamaadaan , waana tilaabo wanaagsan oo qeyb ka noqon karto amniga Magaalada Muqdisho.