Tuesday, July 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda dhexe iyo M/Goboleedyada oo ka socda Muqdisho-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Shirka Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda dhexe iyo M/Goboleedyada oo ka socda Muqdisho-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maalintiisii labaad galay shirka u dhaxeeya Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho, maanta waxaa shirka ka soo qaybgalay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Wasiirada Maamul Goboleeyda, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shirka oo maanta waqti dheer qaatay ayaa lagu lafaguray su’aallo dhowr ahaa oo quseeyay Qorshaha Guud ee dib u eegista Dastuurka dalka oo ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ay diyaarisay.

Related posts

Mareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho oo ka qeybgalay kulan ay soo agaasimeen ganacsato

Mareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho oo ka qeybgalay kulan ay soo agaasimeen ganacsato

July 6, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed

July 6, 2026

Ka soo qaybgalayaasha oo loo kala qeybiyay afar koox ayaa si qoto dheer uga dooday sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka dalka isla markaana loo xoojin lahaa wadasahqeeynta Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada, kadibna waxa ay tallooyinkooda u soo gudbiyeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee JFS, sidoo kale Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh ayaa ballanqaaday in Wasaaradda ay tixgelin doonto tallooyinka ay soo jeediyaan ka qaybgalayaasha shirka oo matalaad ballaaran ay ku lahaayeen dhalinyarada iyo haweenka.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa berri soo xirmi doono waxaana laga soo saari doonaa War-murtiyeed sal-adag u dhiga wadashaqeeynta Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee JFS iyo Maamul Goboleedyada, sidoo kalena dar-dargeliya Qorshaha Guud ee dib u eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

(SAWIRO):Madaxweynaha Soomaaliya oo Ubax dhigay taalada SYL

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan kula yeeshay Doxa Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey-Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha oo kulan kula yeeshay Doxa Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey-Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan kula yeeshay Doxa Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey-Sawirro

Mareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho oo ka qeybgalay kulan ay soo agaasimeen ganacsato

Mareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho oo ka qeybgalay kulan ay soo agaasimeen ganacsato

July 6, 2026
0

Mareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur ( Ameriko), ayaa ka qayb galay kulan ay soo Agaasimeen...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed

July 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Oo Qadka Taleefoonka Kula Hadlay Dhiggiisa Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Oo Qadka Taleefoonka Kula Hadlay Dhiggiisa Boqortooyada Sacuudi Carabiya

July 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta wadahadal dhinaca...

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta Saldhigga booliska & Garoonka Diyaaradaha

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta Saldhigga booliska & Garoonka Diyaaradaha

July 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In