Monday, January 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda dhexe iyo M/Goboleedyada oo ka socda Muqdisho-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Shirka Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda dhexe iyo M/Goboleedyada oo ka socda Muqdisho-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maalintiisii labaad galay shirka u dhaxeeya Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho, maanta waxaa shirka ka soo qaybgalay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Wasiirada Maamul Goboleeyda, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shirka oo maanta waqti dheer qaatay ayaa lagu lafaguray su’aallo dhowr ahaa oo quseeyay Qorshaha Guud ee dib u eegista Dastuurka dalka oo ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ay diyaarisay.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

January 5, 2026
Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

War Saxaafadeed: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

January 5, 2026

Ka soo qaybgalayaasha oo loo kala qeybiyay afar koox ayaa si qoto dheer uga dooday sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka dalka isla markaana loo xoojin lahaa wadasahqeeynta Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada, kadibna waxa ay tallooyinkooda u soo gudbiyeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee JFS, sidoo kale Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh ayaa ballanqaaday in Wasaaradda ay tixgelin doonto tallooyinka ay soo jeediyaan ka qaybgalayaasha shirka oo matalaad ballaaran ay ku lahaayeen dhalinyarada iyo haweenka.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa berri soo xirmi doono waxaana laga soo saari doonaa War-murtiyeed sal-adag u dhiga wadashaqeeynta Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee JFS iyo Maamul Goboleedyada, sidoo kalena dar-dargeliya Qorshaha Guud ee dib u eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

(SAWIRO):Madaxweynaha Soomaaliya oo Ubax dhigay taalada SYL

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan kula yeeshay Doxa Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey-Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha oo kulan kula yeeshay Doxa Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey-Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan kula yeeshay Doxa Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey-Sawirro

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

January 5, 2026
0

Muqdisho, 5 January 2026:- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daauud Aweys Jaamac ayaa maanta xarigga...

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

War Saxaafadeed: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

January 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadinaysaa qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee...

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”

Horjoogayaasha sarre ee Khawaarijta oo dareemaya cabsi iyo walwal Xooggan 

January 5, 2026
0

Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay kordhisay howlada Ciidmada Qaranka ay ka fulinayaan deegaanada ay khawaarijtu ka filaneen howlgalada waxaa...

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku guulaystay nabadeynta beelo ku dagaalamay deegaano Matabaan hoostaga.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku guulaystay nabadeynta beelo ku dagaalamay deegaano Matabaan hoostaga.

January 5, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed oo la hadalay Radiomuqdisho ayaa sheegay inay ku guulaysteen dadaalo ay mudooyinkaan wadeen kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In