Tababarkaan oo ay bixinaysay wasaaradda warfaafinta ayaa loo qabtay in ku Dhow 20 saxafi oo ka kala yimid warbaahinta Qaranka tan madaxa banaan iyo Warbaahinta dowlad Gobolleedyada iyagoo la baray sida ugu haboon ee looga faa’iideysan karo soo saaridda wararka iyo barnaamijyo tayo leh.
Wariye Cabdiraxmaan Koronto oo ka mid ahaa macallimiintii bixinayay tababarka ayaa sheegay in wariyayaasha la baray sida ugu wanaagsan ee looga faa’iideysan karo shaqada ay u hayaan bulshada isla markaana looga faa’iideeyay barashada samaynta wararka iyo barnaamijyada tayada leh ee ka baxa idaacadaha iyo Talafeshinnada
Agaasimaha waaxda Shaqaalaha iyo tababarrada wasaaradda warfaafinta Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa kula dar-daarmay wariyayaasha in ay bulshada Uga ka faa’iideeyaan wixii la baray Isla markaana ay gaarsiiyaan xaruhihii ay ka Yimaadeen.
Wasiirka warfaafinta iyo Hanuuninta Dad Weynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ugu dambayn saxafiyiintaan u soo Xiray tababarkan la Xiriira tayaynta wararka iyo barnaamijyada ka baxa Warbaahinta.