Tuesday, March 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo ku boorisay shacabka inay laamaha amniga kala shaqeeyaan sugida Ammaanka Muqdisho

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo ku boorisay shacabka inay laamaha amniga kala shaqeeyaan sugida Ammaanka Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 20 May 2017 โ€“ Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku booriyey shacabka Soomaaliyeed inay hayโ€™adaha amniga kala shaqeeyaaan Sugida Amniga Caasimada Muqdisho.

Hayโ€™adaha Amniga iyagoo ka duulaya goโ€™aamadii Golaha Wasiirada ee 11kii May 2017 waxey diyaariyeen barnaamijyadii ay ka mid ahaayeen;

Related posts

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐‡๐’๐‰ ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐„๐ซ๐ ๐š๐ฒ๐ ๐š ๐†๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐š๐ฆad๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ

March 3, 2026
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

March 3, 2026
  1. In la xareeyey ciidankii isku-dhafka ahaa ee howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.
  2. Maamulka Gobolka Benadir oo u diyaar garoobay iskudubaridka sidii ciidanka uga howlgali lahaayeen caasimada.
  3. Gobolka Benadir oo hirgeliyey goโ€™aankii ahaa inaan gaadiidka la dhigan karin wadada Makka Al-Mukaramma oo Gobolka iyo Ciidanka Taraafikada ay howlgalkooda bilaabeen.
  4. Maamulka Gobolka oo hirgeliyey Golaha Ammaanka ee Gobolka Benadir oo waxweyn ka taraya sidii caasimada amnigeeda uu u noqon lahaa mid la isku haleyn kara
  5. Ciidanku waxey kaloo diyaariyeen qorshihii lagu hirgelin lahaa in Caasimadda looga mamnucayo ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-
  6. Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,
  7. Kuwa wata warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah
  8. Sidoo kale Ciidanku waxey diyaariyeen qorshihii looga mamnuucayey dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Masโ€™uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.
  9. Ciidanka Booliska oo diyaariyey qorshihii ay ku dhisayeen ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee Dowladda.
  10. Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka iyo Hubka ay maamulaan.
  11. Ilaalada Goobaha Ganacsiga sida Hoteelada, Carwooyinka, Isbitaalada, Jaamacadaha iwm, waxay masโ€™uul ka ahaan doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, ama u soo gudbiyaan Ciidamada Amniga.
  12. Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan xarunta Hoggaaminta Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo loo gartay JOCC, taasoo noqonaysa Taliska Howlgalkan.
  13. Howlgalka xasilinta Caasimadda wuxuu u bilaaban doonaa si deg-deg ah, inta ka horaysana Ciidan waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan & qalab waa inuu ku wareejiyaa Taliyaha Howlgalka.
  14. Maamulka Gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya Abaabulka & Baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya Wasaarada Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hayโ€™adaha amniga.
  15. Wasarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka wuxuu masโ€™uul ka ahaan doonaa:-
  16. Doorka warbaahinta ee la xiriira Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.
  17. Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa madax-banaan.
  18. Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.
  19. Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa masโ€™uuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka & Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS muddo 10 casho gudohood.

Dhammaan goโ€™aanadan kor ku xusan waxaa la waafajinayaa Dastuurka, Shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta

[email protected]

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay-Sawirro

Next Post

Raโ€™iisul Wasaare Kheyre oo kormeer ku tagey goobaha lagu qaadayo Imtixaanka Dugsiyada Sare(SAWIRO).

Next Post
Raโ€™iisul Wasaare Kheyre oo kormeer ku tagey goobaha lagu qaadayo Imtixaanka Dugsiyada Sare(SAWIRO).

Raโ€™iisul Wasaare Kheyre oo kormeer ku tagey goobaha lagu qaadayo Imtixaanka Dugsiyada Sare(SAWIRO).

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐‡๐’๐‰ ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐„๐ซ๐ ๐š๐ฒ๐ ๐š ๐†๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐š๐ฆad๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐‡๐’๐‰ ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐„๐ซ๐ ๐š๐ฒ๐ ๐š ๐†๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐š๐ฆad๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

March 3, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha....

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka โ€SAWIRROโ€

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka โ€SAWIRROโ€

March 2, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Dhaxal-sugaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwayt...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In