Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo kulan sogootin ah u sameeyey Macalimiin Masaariya+Sawirro

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 23, 2017
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo kulan sogootin ah u sameeyey Macalimiin Masaariya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan sogootin iyo mahad celin iskugu jirta u sameeyay Macalamiin barayaal ka ahaa Iskoolada iyo Jaamacadaha ku yaala Muqdisho kuwaasoo ka yimid dalka Masar haatana dib ugu laabanaya dalkoodi,waxaana munaasbadan ka soo qayb galay Xildhibaano,qaar kamid Golaha Wasiirada iyo Macalimiinta la sogootinayay.

Wasiirka Waxbaraashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cosmaan ayaa mahad celin ka dib waxuu sheegey in Macalimiintan ay dalka joogeen Todobo bilood haatan ay dib ugu laabanayaan dalkooda,waxuu kaloo sheegay in dalka Masar iyo Soomaaliya ay gaareen heshiis ka kooban Shan qodob kasoo la xiriira arimaha waxbarashada. Waxaana heshiiskaas kamid ahaa In Labo Iskool la siiyo macalimiinta Masaarida.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025

Macaliminta dalka Masar ayaa dhankooda ka mahad celiyey sida loo soo dhaweeyey waxeyna sheegeen inay tagi doonaan dhamaan Gobolada dalka kuna faraxsan yihiin shaqada ay Soomaaliya ka hayaan,sidoo kale waxay casuumeen Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya inuu ku soo booqdo wadankooda si ay u kormeeraan goobaha waxbarasho ee dalka Masar.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka sheekeeyay xiriirka ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya waxuun tilmaamay inuu yahay mid taariikhiya oo ku saleysan waxyaabo badan oo ku qotoma Waxbarashada,Ganacsiga iyo Siyaasada labada wadan, waxuuna cadeeyay inuu dalka Masar uu qayb wayn ka qaatay inay Soomaaliya dib u hesho xoriyadeeda wakhtigii Gumeysiga.

“Dowlada Masar iyo shacabkeeda waxey si wayn nooga taageereen dhanka waxbarashada wakhti ay dadka Soomaaliyeed u baahnaayeen inay helaan aqoon dheeraad ah,waxeyna dhiseen goobo waxbarasho sida Iskoolka Amed Guray ee magalada Hargeysa” ayuu yiri R/W ku geenka Soomaaliya.

Ugu dambeen Ra’iisul Wasaare ku xigeen ayaa u mahad celiyey macalimiinta iyo dowlada Masar sida wanaagsan ay u garab taagan yihiin Soomaaliya waxuuna ka codsaday inay sii wadaan taageerida shacabka Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray Howlaha Dekadda Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo gaaray Dalka Jabuuti

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo gaaray Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo gaaray Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha...

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta...

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

August 26, 2025
0

Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In