Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Faahfaahiyay Xaaladda Maxaabiista Soomaalida Ee Ku Xirxiran Dalalka Caalamka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 31, 2017
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku howlaneyd olole lagu dalbayo in ay Dowladdu u istaagto sii deynta dhallinyaro Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalal shisheeye, taas oo loo arko, ahna waajib Dowladda saaran.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha dibadda Ee Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa lagu yiri “Maaddaama uu ololuhu sii xoogeysanayo, mararka qaarkoodna ay ka hadlayaan
dhinacyo aan ahayn xog ogaal buuxa, ayaan goostay in aan soo bandhigo xogta hadda suurta-galka ah in aan la wadaago dadweynaha. Waa dadaal ay waddo Dowladda Soomaaliya laakiin aan weli la soo geba gebeyn”

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Waxaan shacabka ku wargelinayaa in aan billownay xiriirro dhowr ah oo ku saabsan dhallinyaro ku xiran dalalka Ethiopia, Sychelles iyo India.

Ethiopia madaxdeeda ayaan la soo qaadnay mowduucan dhowaan markii aan booqannay Addis Ababa.

Seychelles Wasiiru Dowlaheeda Arrimaha Dibadda ayaan ku kulannay mid ka mid ah shan shir doceed oo aan gooni gooni ula yeeshay Wasiirro Arrimo Dibadeed isla halkii maalin ee shirka London uu socday.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Sychelles arrinta ugu weyn ee uu ila soo qaaday waxay ahayd nabadgelyada badda nooo dhexeysa iyo wadashaqeynteenna mustaqbalka. Ka dib markii aan uga warramay isbeddelka dalka ka dhacay, Aniguna arrinta ugu weyn ee aan ku soo qaaday waxay ahayd Maxaabbiis Soomaali ah oo ku xiran Seychelles.

India waxaa ay Safaaradda Soomaaliyeed ee New Delhi iyo Xeer Ilaalinta Qaranku ay qabteen Qareen u dooda mid kasta oo ka mid ah Maxaabbiista Soomaaliyeed ee ku jira xabsi ku yaalla Mumbai. Safaaradda Soomaaliya waxaa kale oo ay u asteysay mid ka mid ah Diblomaasiyiinteedu in uu tago Mumbai 1400 km u jirta New Delhi mar kasta oo Maxkamad la soo taagayo mid ka mid ah boqol iyo dheeraadka Maxaabbiista Soomaaliyeed ah.

Waxay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu si joogta ah u heshaa Warbixinno kala gooni ah oo Qareenka Hindiga ah iyo Diblomaasiga Soomaaliga ahi ay u soo diraan hadba dacwaddu meesha ay mareyso ayaga oo isla markaana talo bixinaya tallaabada nala gudboon.

Maanta (Talaada) oo u dambeysay waxaan mowduucan fadhi ka yeelannay Wasiirka Garsoorka iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda taasoo ahayd markii labaad isla toddobaadkan, ka horna waxaan wadajir ula kulmay Agaasimaha Aasiya iyo Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Waxaa arrinta Maxaabbiista ku xiran India isla maanta ka wadahadlay Agaasimaha Aasiya iyo Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi.

Berrina waxaa jira dhowr kulan oo Muqdisho iyo New Delhi loo ballansan yahay mowduucan.

Waxaa diyaar ah oo labada dal ee Soomaaliya iyo India ay isku af garteen inkasta oo aan weli la saxiixan heshiis mabda’ ahaan Maxaabbiista la isu celinayo.
Laba ka mid ah Dowladaha Saddexda ah ee aan xusay Ethiopia, Seychelles iyo India waxaan isla meel dhignay in maxaabbiista Soomaaliyeed ee dalalkooda ku xiran lagu soo wareejiyo gacanta Dowladda Soomaaliya. Dalka kale waxaa noo billowday xiriir aan ku rajo weyn nahay in aan ka miro dhalin doonno mar dhow.

Runtii howsha socota oo ku wajahan in Maxaabbiista dibadda ku xiran oo dhan ay gacanteenna soo galaan, ma ahan howlo saxaafadda lagu soo wada bandhigi karo maaddaama aanay soo geba-geboobin.

Hore waxaan ula kulmay wakiil ka socda Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas oo aan weydiistay in ay nala wadaagaan Maxbuus kasta oo Soomaaliyeed ee ay ka warhayaan in uu ku jiro xabsi shisheeye.

Shalay oo u dambeysay waxaan farriin ka helay saddexda Dowladood middood, farriintaas oo ah mid yididdiilo hor leh I gelisay. Howshani hadba heerka ay mareyso ee in la sheego aanay wax u dhimi karin furdaaminta iyo marka ay geba-gebo tahay waan la wadaagi doonnaa dadweynaha Soomaaliyeed.

Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf uga mahadcelinayaa in uu fagaaraha caleema-saarka ee Cadaado uu ku ballanqaaday in uu bixin doono kharashka dayaaradda haddii dhallinyarada Soomaaliyeed ee India ku xiran loo soo celinayo Soomaaliya.

Waxaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hammin kara ugu baaqayaa in ay ka feejignaadaan ka qeybqaadashada burcad badeed ama fal dambiyeed kale oo ay xabsi ku mudan karaan nooc kasta oo uu yahay. Taas macnaheedu ma ahan in aan ku tilmaamayo in dhallinyarada ku xiran Ethiopia, Seychelles iyo India ay yihiin dembiilayaal maaddaama arrintaasi ay u taallo Maxkamadaha.

Dowladda Soomaaliya waxa ay hadda ku dabajirtaa Soomaali ku xiran dalalka Uganda, Sudan, Libya iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin dalal ku yaalla Afrikada Koofureed.

Previous Post

Gaari Qarax siday oo lagu Qabtay Magaalada Boosaaso”Sawiro”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio muqdisho

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In