Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo la kulmay Guddiga Arrimaha Badda “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo la kulmay Guddiga Arrimaha Badda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa la kulmay Guddiga Arrimaha Badaha, waxana warbixino ku saabsan xaaladda aminiga, kheyraadka iyo maamulka Badda laga dhageystay Wasaaradaha Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda iyo Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda.

Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa ugu horeyn ka hadlay fulinta go’aamadii ka soo baxay shirkii London ee la xiriiray arrimaha badaha, gaar ahaa kuwa mudnaanta u leh dawladda Soomaaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto Kheyraadka ku jira, sidoo kalena loo dadajin lahaa dhismaha ciidanka Ilaalinta Xeebaha (Coast Guard).

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026

Wasiirka Kalluumeysiga Mudane C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay arrimaha kaluumeysiga sharci darrada ah, waxana uu soo hadal qaaday shir looga hadlayay arrimahaas oo ka dhici lahaa Jaziirada Seychelles oo baaqday, isagoo tilmaamay in arrimihii uu shirkaas u baaqday ay kala xaajoonayaan cida ay quseyso isla markaana uu dhawaan qabsoomi doono shirku.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Marwo Maryan Aweys ayaa soo bandhigtay sidii loo dhameystiri lahaa turjumidda iyo meel marinta sharciga Badda oo muhiimad weyn u leh dhaqan galkiisa dalkeena, waxana ay Wasiirku codsatay in la dadajiyo loona fududeeyo Wasaaradda wax walba oo gacan ku siin kara sidii uu sharcigani u noqon lahaa mid dhameystiran.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiirada, Maaliyadda, Difaaca, Arrimaha Dibedda iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo dhamaantood ka tirsan Guddiga Arrimaha Badda.

Previous Post

Wasiirka Maaliyaddda Soomaaliya oo ka warbixiyay waxqabadka labadii bil ee la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey Xarunta iyo Akademiyada Booliiska “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey Xarunta iyo Akademiyada Booliiska “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey Xarunta iyo Akademiyada Booliiska "SAWIRRO"

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In