Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee gobolka Benaadir Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa maanta kormeeray sida ay u socdaan Ololaha Nadaafadda ee Degmada, waxaana uu howlwadeenada degmada u qaabilsan dhanka Nadaafadda ku bogaadiyay sida hagar la’aanta ah ee ay ugu howlanyihiin dib u soo celinta bilicdii ay degmadu lahayd, isagoo ku soo wareegay xaafadaha ay ka socdeen Ololaha Nadaafadda
“Waxaan halkan u imid inaan u kuurgalo, isla markaana aan idinkala qeyb qaato ololaha Nadaafadeed ee ka socda xaafadda Ex-koontarool Balcad ee degamda Heliwaa, runtii waxaa naga go’an in aan dib u soo celino bilicdii ay lahayd Degmada, Nadaafaddu waa Imaanka barkiis. qofkasta waxaa mas’uuliyad ka saaran in uu ka shaqeeyo Nadaafadda, Nabadgelyada iyo Naleynta Degmada” ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiin oo hadalkiisa ku daray “Waaxdii ku guuleysata ololaha nadaafadda, waxa ay heli doonaan abaal marin gaar ah oo ay ku faraxdo”.
Mudane Cabdixakiin Cumar ayaa dhankiisa waxa uu ka qeyb qaatay ololaha nadaafadda, taasi oo uu ku sheegay inay tahay mid uu ku dhiiri gelinayo bulshada isla markaana looga hortagayo in Geed yahuudka uu ku soo bato xaafaddaha degamda, kaasi oo ka dhalan karta qatar amni iyo mid Nadaafadeed.
Tan iyo markii uu xilka la wareegay guddoomiye Cabdixakiin Cumar Cabdulle shan bil ka hor, waxa uu ahmiyadda siiyay Nadaafadda, Naleynta iyo Nabadgelyada Degmada, si dib loogu soo celiyo bilicda iyo rajada shacabka Degmada Heliwaa.