Sunday, August 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartan adag kaddib Xamar weyne oo u soo gudubtay wareegga labaad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamaayasha Degmada Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii lixaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Xamar weyne VS Kaxda oo ka wada tirsan gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง-๐ข๐ฌ-๐ฐ๐ž๐ฒ๐๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐…๐ฎ๐๐ฎ๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š (๐๐“๐…๐‚)

August 2, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la magacaabay

August 2, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Xamar weyne VS Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar suโ€™aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Xamar Weyne

Tartameyaasha degmada Xamar weyne ee gobolka benaadir waxaa la weydiiyey todobo Suโ€™aal, waxaana ay si sax ah uga jawaabeen saddex suโ€™aal, waxaana ay iska qaldeen afar suโ€™aal, waxa ay si ka faaโ€™iideysi ah u heleen Hal suโ€™aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Kaxda, hadaba wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar weyne ay heleen waxay noqoneysaa sideed dhibcood.

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโ€™aal, waxaana suโ€™aalihii la weydiiyay ay si sax ah uga jawaabeen Afar suโ€™aal, waxaana ay iska qaldeen saddex suโ€™aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Kaxda ay noqotay sideed (8) dhibcood.

Guddiga ayaa su’aalo dheeri ah ku daray, maadaama labada tartame ay isku dhibco noqdeen, waxaana su’aalihii dheeriga ahaa lagu daray ay si wada jir ah uga jawaabeen min labo su’aal, waxaana lagu kala baxay su’aashii saddexaad oo ay iska qaldeen tartamayaasha Degmada Kaxda, iyadoo ay ka faa’iideysteen tartamayaasha degmada Xamar weyne, balse su’aashii dhanka degmada X/weyne la weydiiyay waa ay iska qaldeen, mana jirin cid ka faa’iideysatay, waxaana sidaas ku adkaatay oo ku soo baxday tartamayaasha degmada Xamar weyne, maadama ay heleen labo dhibcood oo ka faa’ideysi ah.

Wadarta guud ee dhibcaha Kaxda waxa ay noqotay 12 dhibcood, halka Xamar weyne ay la timid 14 dhibcood, sidaas ayayna ku soo baxeen wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe oo ah habeenka Todobaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka hadii uu Alle idmo barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha degmooyinka Boosaaso Vs Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Benaadir.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Jaaliyadda ugu Baaqay inay Maalgashi ku Sameystaan Deegaanada Hirshabelle

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง-๐ข๐ฌ-๐ฐ๐ž๐ฒ๐๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐…๐ฎ๐๐ฎ๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š (๐๐“๐…๐‚)

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง-๐ข๐ฌ-๐ฐ๐ž๐ฒ๐๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐…๐ฎ๐๐ฎ๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š (๐๐“๐…๐‚)

August 2, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Aqoon-is-weydaarsiga Istaraatiijiyadda iyo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la magacaabay

August 2, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa...

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo qaabilay Taliyaha TurkSom

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo qaabilay Taliyaha TurkSom

August 2, 2026
0

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi...

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo xarigga ka jaray xarunta Maxkamadda Xarardheere

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo xarigga ka jaray xarunta Maxkamadda Xarardheere

August 2, 2026
0

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Maxkamadda Degmada Xarardheere...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In