Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo munaasabad afurin ah u sameeyay danjireyaasha Islaamka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo munaasabad afurin ah u sameeyay danjireyaasha Islaamka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, June 02, 2017 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yusuf Garaad Cumar Axmed ayaa munaasabad afur-siin Ramadaan ah u sameeyay Safiirrada Wadamada Islaamka, kuwa carbeed iyo qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdiqaadir Axmed Kheyr Cabdi, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Mudane Cabdullaahi Xaamud Maxamed iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Waaxyaaha Carabta iyo habmaamuuska ee Wasaaradda.

Related posts

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa ka hadlay fadliga ay leedahay bisha barakaysan ee Ramadaan, isaga oo sheegay inay tahay bil kheyr oo la xoojiyo cibaadada, samafalka, xushmadda u dhexeysa bani’aadamka iyo wax waliba oo ka shaqeynaya ka guul keenidda nabadda, deganaanshaha iyo horumarka.

Wasiirku waxa uu uga mahad-celiyay danjirayayaasha wadashaqeynta dhow ee ay la leeyihiin Wasaaraddiisa iyo guud ahaan dowladda.

Dhankooda, danjirayaasha ka qeybgalay munaasabadan ayaa waxa ay ka mahadceliyeen casuumaada iyo marti soorka loo fidiyay, waxa ayna bogaadiyeen howlaha wax ku oolka ah ee ay dowladdu ugu adeegeyso dalkeeda iyo dadkeeda.

Previous Post

DAAWO: Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo hadlay hanaanka daqli ee dalka

Next Post

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Next Post
Tartamaayasha Degmada Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka, kaas oo ay ka qeybgalayaan arday...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026
0

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf Barre, ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay si gaar ah sanadkan...

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In