Tuesday, August 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 6, 2017
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii hore xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland, kaas oo laga hirgeliyey dhismaheeda Caasimada Garoowe.

Xariga jarka dhismaha Wasaaradda ayaa waxaa madaxweynaha kuwehelinayey wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanadaย  Xoolaha,Wasiir kuxigeenka Wasaaradaasi, shaqaalaha waaxyaha Wasaaradda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland.

Related posts

๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š๐ฒ ๐‚๐ข๐ซ๐š๐š๐ช ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ฎ tegay ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐คa

August 11, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn sheegay inuu ku faraxsan yahay muhiimad gaarana u leedahay furitaanka dhismaha cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, maadaama ay tahay wasaarad ku hawlan ilaalinta iyo xanaanaynta laf-dhabarta dhaqaale ee dalka.

”Sharaf weyn bay ii tahay maanta inaan imaado Wasaaradda Xanaanadda xoolaha daahfuroย  xarigana ka jaro dhismaha cusub ee Wasaaradda, waan ku bogaadinaynaa dedaalka weyn ee ay geliyeen in Wasaaraddu hesho goob shaqo oo ku-filanย  oo lagu fuliyo shaqadda gaamurtey ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, laf-dhabar bay u yihiin xooluhuย  dhaqaalaha Puntland iyo kan Soomaaliyeedba”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale waxa uuย  sheegay Madaxweynuhu in wasaaradani lagu dhisay oo lagu hirgeliyey dhaqaalihii dalka kaasi oo kuyimid isku tashiga ย iyo shacabka Puntland.

”Wasaaradda waxaa lagu dhisay dhaqaalihii dalka, isku tashiga Puntland, waxayna ka mid tahay mabaadii’da aanu aaminsanahay oo ah in dhismaha Dawladda nimo Puntland si dhaba uga hirgalaan, dabcan dhismaha Dawladd-nimo waxaa ugu horeeya in wasaaradihii dhisan yihiin degaan ay ku shaqayn karaana ay leeyihiin, shaqaale ku filan oo khibrad leh ay leeyihiin, in adeegii iyo shaqooyinkii waajibka ahaa ย ee ay dalka u qabanayeena ay si wanaagsan u fushanayaan,ย  Wasaaraddo kale ayaan dhowaan furidoonaa iyo sidoo kale mashaarico kale oo “ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa sheegay in dhismaha wasaaraddani ay ku baxayday lacag dhan $3,72,000 oo dollar, taasi oo kutimadย  halku dhigii Madaxweynaha Puntland oo hirgalay kaasi oo ahaa ”Puntland ha isku tashato”, wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhismahani waxbadan ka taridoono dardargelinta shaqooyinka baaxadale ee Wasaaradu u qabato shacab keeda kaasi oo ku salaysan ilaalinta caafimaadka, xanaanada iyo ka warqabka markasta xoolaha Puntland.

Ugu danabyn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo kormeray xaafisyada Wasaaradda, halkaasi oo uu mid mid u xogwaraystay dhammaan hawl-wadeenada xafiisyada wasaaradaasi, isagoona ugu danbayn kulan gaara la qaatay madaxda sare ee wasaaradaasi.

ย 

Previous Post

Madaxweyne farmaajo oo gaaray Kismaayo

Next Post

Madaxweyne farmaajo oo kormeeraya Xarumaha Ciidanka Jubbaland

Next Post
Madaxweyne farmaajo oo kormeeraya Xarumaha Ciidanka Jubbaland

Madaxweyne farmaajo oo kormeeraya Xarumaha Ciidanka Jubbaland

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

August 11, 2025
0

Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Mr. Abdisalam Abdi Ali, met on Sunday evening (August 10) in Algiers...

๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š๐ฒ ๐‚๐ข๐ซ๐š๐š๐ช ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ฎ tegay ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐คa

๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š๐ฒ ๐‚๐ข๐ซ๐š๐š๐ช ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ฎ tegay ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐คa

August 11, 2025
0

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha...

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin...

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

August 11, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah waxay ku fulisay Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In