Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

DAAWO SAWIRRADA: Tartamayaasha Degmada Garoowe oo caawa u soo gudbay wareega labaad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA: Tartamayaasha Degmada Garoowe oo caawa u soo gudbay wareega labaad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii kow iyo tobnaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Garoowe VS Heliwaa oo ka kala tirsan Gobollada Nugaal iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Garoowe VS Heliwaa ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Related posts

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

July 14, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

July 14, 2026

Garoowe

Tartameyaasha Degmada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxaana ay si sax ah uga jawaabeen Labo su’aal, waxaana ay iska qaldeen shan su’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen saddex su’aal oo soo hareer martay tartamyaasha Degmada Heliwaa, hadaba wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garoowe ay heleen waxay noqoneysaa toban (10) dhibcood.

Heliwaa

Tartamayaasha Degmada Heliwaa ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, ma jirin hal su’aal oo ay ka jawaabeen todobadii su’aal ee la weydiiyay, balse waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Garoowe, waxaana wadarta guud ee dhibcaha heleen tartameyaasha degmada Heliwaa ay noqotay labo (2) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Hadaba Habeen dambe oo ah habeenka labo iyo tobnaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka hadii uu Alle idmo Barnaamijka, waxaa ku tartami doona tartamayaasha Degmooyinka Shibis Vs Deyniile oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir.

 

W/D: Maxamed Macalin Xasan “White-ka”

Previous Post

Wasiirka Awqaafta Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Kuwait “SAWIRRO”

Next Post

Faallo:- MA 3 BIL OO KELIYA?

Next Post
Faallo:- MA 3 BIL OO KELIYA?

Faallo:- MA 3 BIL OO KELIYA?

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

July 14, 2026
0

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (SFF), ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), Mudane Cali...

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Danjire Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa, ayaa maanta booqasho tacsi ah ku tegay Safaaradda...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa kulammo...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

July 14, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya | 14 Luulyo 2026: La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta Xafiiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In