Monday, August 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartamaayasha Degmada C/casiis oo caawa soo tiigsaday wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 9, 2017
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamaayasha Degmada C/casiis oo caawa soo tiigsaday wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii saddex iyo tobnaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Howlwadaag VS C/casiis oo ka wada tirsan Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Howlwadaag VS C/casiis ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

August 10, 2025
Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

August 10, 2025

Howlwadaag

Tartameyaasha Degmada Howlwadaag ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxaana ay si sax ah uga jawaabeen hal su’aal, waxaana ay iska qaldeen lix su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareer martay tartamaayasha Degmada C/casiis, hadaba wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Howlwadaag ay heleen waxay noqoneysaa lix (6) dhibcood.

C/casiis

Tartamayaasha Degmada C/casiis ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, waxa ay iska qaldeen shan su’aal,  waxana ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Howlwadaag, waxaana wadarta guud ee dhibcaha heleen tartameyaasha degmada C/casiis ay noqotay sideed (8) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada C/casiis ee gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Hadaba Habeen dambe oo ah habeenka afar iyo tobnaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka hadii uu Alle idmo Barnaamijka oo ah kulankii ugu dambeeyay ee wareegga koowaad, waxaa ku tartami doona tartamayaasha Degmooyinka Yaaqshiid Vs Baydhabo oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Baay.

Mohamed Moalim Hassan White-ka

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo “Waan ka daba tageynaa, waana ka guuleysanaynaa argagixisada”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
RadioMogadishu_logo

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

August 10, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Marwo Qurat-ul-Ain Sadozai, Agaasimaha Taageerada Hawlgalka ee Xafiiska...

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

August 10, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa maanta soo xiray aqoon isweydaarsi aba maalmood socday ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

August 10, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali , ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay...

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Mareykanka

Mareykanka oo Soomaaliya kala shaqeynayo sugidda Ammaanka Xuduudaha

August 10, 2025
0

War- qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanku ay Soomaaliya kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In