Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ee Soomaaliya oo ay weliyaan Wasiirka Amniga,Wasiirka dhallinyarada, guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho ayaa galabta kula afuray qaar ka mid ah dawooyin Caasimadda ciidanka ku guda jira xalisinta Muqdisho, si ay ugu dhiiri geliyaan howsha Wanaagsan ee ay u hayaan isla markaana loogu muujiyo in Madaxda Dowladdu ay garab tagan yihiin.
Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa samaysay Afurka, Wasiirka Amniga gudaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wadada ugu qaybinayey rashinka ka hor afurka dadka masaakiinta ah ee waddooyin qaar ku sugnaa.
Ra’iisul Waaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiinta kale ayaa si caadi ah ula afurayey askarta, iyagoo aad ugu faraxsanaa in ay arkaan madaxda dowladda oo waddada hareeraheeda kula afuraya ciidamada.
Wasiirka dhallinyarada Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay afurka caawa ay la furayaan Ciidanka Qaranka ay qayb ka tahay amarka Ra’iisul wasaraha ee ku aadan dhiiri gelinta Ciidanka.
Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya oo la hadlay askartii uu la afuray ayaa tilmaamay in Xukuumadda ay ka go’an tahay dhiiri gelinta iyo sare uqaadidda muraalka ciidanka, si loogu guuleyso xasilinta Amniga Dalka, gaar ahaan Muqdisho.
Intaa kadib ayaa Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay socod dheer oo lug ah ku ka soo mareen Wadada taleex ee Degmada Hodan, iyagoo ku tagay Hotel Jaseera ee Degmadda Wadajir iyo qeybo ka mid ah degmada Waabari, waxa ayna u kuur galayeen sida uu socda howlgalka ciidanka ay ku xasilinayaan Muqdisho, iyagoo Dadka ku ganacsanayey laamiga way diinayey Xaaladda amni.
Ra’iisul wasaraha ayaa Hotelada ku yalla Muqdisho Kula shaah cabay muwadiin Soomaaliyeed oo halkasi ku sugnaa, iyagoo farayey in ay la shaqeeyaan Dowladda ayna soo gudbiyaan talooyinka ku aadan dhismaha dowladdnimada Soomaaliya.
Halkan ka daawo muuqaalka oo dhameystiran