Sunday, August 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

DAAWO SAWIRRADA: Tartan adag kaddib tartamayaasha Degmada Shangaani oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 12, 2017
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA: Tartan adag kaddib tartamayaasha Degmada Shangaani oo caawa u soo gudbay wareegga saddexaad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii lix iyo tobnaad oo ah wareegga labaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Gaalkacyo VS Shangaani oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Gaalkacyo VS Shangaani ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Related posts

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa oo lagu soo qabtay dagaalkii Bariire

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa oo lagu soo qabtay dagaalkii Bariire

August 10, 2025

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay hubkii ugu badnaa ee Khawaarijta looga furtay dagaalkii Bariire

August 10, 2025

Gaalkacyo

Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxaana ay si sax ah uga jawaabeen labo su’aal, waxaana ay iska qaldeen shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Shangaani, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ay heleen waxay noqoneysaa lix (6) dhibcood.

Shangaani

Tartamayaasha Degmada Shangaani ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, waxa ay iska qaldeen shan su’aal,  waxaana ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Gaalkacyo, waxaana wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha degmada Shangaani ay noqotay lix (6) dhibcood.

Tartamaayasha labada degmo ayaa isku dhibco noqday oo ah min lix dhinac, waxaana loo baahday si loo kala saaro in lagu darro su’aalo dheeri ah, waxaana su’aalihii dheeriga ahaa iska qalday tartamayaasha degmada Gaalkacyo, balse ma jirin cid ka faa’iideysatay, hayeeshee tartamayaasha Degmada Shangaani ayaa waxa ay ka jawaabeen su’aashii sagaalaad ee la weydiiyay, sidaas ayayna ku heleen 8 dhibcood.

Tartamayaasha Degmada  Shangaani ee gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka.

Hadaba Habeen dambe oo ah habeenka todobo iyo tobnaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka hadii uu Alle idmo Barnaamijka waxaa ku tartami doona tartamayaasha Degmooyinka Dhahar Vs Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Benaadir.

                 Sawir Qaade: Axmed Nuuradiin

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo “Waxaa la burburiyay Saldhig ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen Saakow”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa oo lagu soo qabtay dagaalkii Bariire

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa oo lagu soo qabtay dagaalkii Bariire

August 10, 2025
0

Weriye Zakariye Qaasim Bagax oo ku sugan Bariire ayaa la kulmay labo ka mid ah maxaabiista dagaalka ee Khawaarijta looga...

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay hubkii ugu badnaa ee Khawaarijta looga furtay dagaalkii Bariire

August 10, 2025
0

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ay warbaahinta la wadaagtay, hubkii ugu badnaa ee Khawaarijta looga furtay, hawlgalkii gobolka Shabeellada Hoose ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray dalka Algeria

August 10, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo ay wehliyaan wufuud sare...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In