Tuesday, April 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo Daah-furey shirka wadatashiga Dib-u-heshiisiinta Qaranka “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo Daah-furey shirka wadatashiga Dib-u-heshiisiinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 13 June 2017 – Ra’iisul Wasaare ku -xigeenka XFS ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa si rasmi ah maanta u daah furey shirka Wadatashiga Dib-u-heshiisinta Qaran, Xog-ururinta Khilaafaadka iyo Xaalkooda kaasoo lagu qabtey Muqdisho. Waxaana ka soo qayb galey Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Federaalka iyo dib u hushiisiinta Soomaaliya,Qaar kamid ah madaxda dalka,Xubno ka socdey Maamul Gaboleedyada,Odayaasha dhaqanka,Abwaano iyo qeybaha kala ee bulshada.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegey in shirkan uu horudhac u yahey dib-u-heshiisiin dhab ah oo loo sameenayo shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna tilmaamey sida loogu baahan yahey in shirkan wadatashi ey ka soo baxaan qodobo dhaxal gal u ah bulshada Soomaaliyeed, waxuuna balan qaadey iney dhaqan galinayaan go’aanada ka laga gaaro shirka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

April 28, 2026
Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

April 28, 2026

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed (Khader) ayaa u mahed celiyey madaxda Wasaarada Arimaha Gudaha,maadaama wakhtii loo baahnaa ay qabteen Shirka Wadatashiga Dib-u-heshiisiinta Dalka. Waxuuna cadeeyey in wadatashigan uu qeyb ka yahey dib u soo celinta dalka maadaama uu yahey mid Qaran.

“Waxaa loo baahan yahey in la sameeyo dib-u-heshiisin Siyaasadeed iyo mid Diimeed si loo helo kalsooni shacab taasina waxaa looga baahan yahey in looga doodo sidii loo heli lahaa kulan kan inta uu socdo”ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xogeenka Soomaaliya ayaa u soo jeediyey ka qeyb galaaysha shirka iney Dib-u-heshiisiinta Dalka gaarsiiyaan deegaanada ay matalayaan si loo abuuro shacab u diyaarasan in la helo Nabad iyo Nolol,waxuuna tilmaamey in la sameeyo madal wadatashi iney qayb ka aheyd balan qaadyadii uu sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya xiligii doorashada.

 

Previous Post

RAALI GELIN

Next Post

Dowladda Federaalka wey ka go’antahay wax u qabashada Muwaadiniinteeda

Next Post

Dowladda Federaalka wey ka go'antahay wax u qabashada Muwaadiniinteeda

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

April 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

April 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda ku qaabilay Tom Fletcher, Ku-xigeenka Xoghayaha...

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

April 28, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta ka bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha magaalada Galbarwaaqo ee gobolka Mudug, oo ka...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed

April 28, 2026
0

Muqdisho, Abriil 28, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In