Wasiirka Wasaradda Caafimadka iyo Daryeelka bulashada ee Xukumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta Isbitaalada Madiina iyo Reccep Teyip Erdogan ku booqatay qaar ka mid ah dadkii xalay ku soo dhaawacmay weerarkii maleeshiyadka Al-Shabaab ay ku qaadeen maqaayadda Pizza House ee magaalada Muqdisho.
Agaasimaha guud Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf Xasan ayaa Wasiirka ugu warbixiyay dhaawacyada la geeyay isbitaalka iyo sidi ay ugu guleeysteen iney la tacalaan dhaawacyadii u baahnaa in loo sameeo gar gaar deg deg ah, isagoo xusay in inta badan buukanadi la kenaay isbitaalka si wanaagsan loola tacaalay caafimaadkoodane uu aad uu wanaagsan yahay
Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Fawziya Abiikar Nuur ayaa isbitaalka kula kulantay Hooyo labo gabdhood ay dhashay oo weerarkii xalay ay kaga dhinteen, hal gabarkale ay kaga dhaawacantay oo iminka lagu dabiibayo isbitaalka, iyadoo Hooyadaasi la qeybsatay murugada Allena uga bariday in uu gabarteeda caafimad deg deg ah siiyo.
Wasiirka caafimaadka ayaa sidoo kale booqatay Isbitaalka Reccep Teyip Erdogan oo ka mid ah goobaha caafimaadka ee la gaarsiiyay dadkii ku soo waxyeeloobay weerarkii Pizza House, waxaana ay warbixinno ka dhageysatay maamulka Isbitaalka xaaladda caafimaad ee dhaawacyada isbitaalka la geeyay.
Isbitaalka ayaa la gaarsiiyay ilaa iyo sideed qof oo dhaawac ah, iyadoo mid ka mid ah uu u geeriyooday dhaawaca, waxaana isbitaalka iminka lagu dabiibayaa todobo qof oo ka mid ah dadkii xalay ku soo dhaawacmay weerarkii ka dhacay Muqdisho/