Saturday, July 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hub ka dhigista Dowladda ay Muqdisho ka wado yaan laga dhigin Hub ka dhicis (FAALLO)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 16, 2017
in Wararka
0
Hub ka dhigista Dowladda ay Muqdisho ka wado yaan laga dhigin Hub ka dhicis (FAALLO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dunida aynu maanta joogno Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalkeena Soomaaliya kaliya ma ahan meesha ugu horeysay ee laga Sameeyo howlgal xasilin ama hub dhigis ama xakameen balse waxaa ii muuqata kala fikir duwaanaasho bulshada dhexdeeda ah.

Wadamo badan oo dunida hada horumaray ayaa waxa ay horay usoo sameeyeen howlgallo iyo heshiisyo hub ka dhigis ah, kuwaasi oo ay ku guleysteen, waxaana jira sharciyo iyo heshiisyo badan oo quseeya arrintaan kuwaasi oo lagu gaaray meelo badan oo dunida ku yaala oo ay ka mid tahay Geneva Switzerland.

Related posts

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

July 26, 2025
Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

July 26, 2025

Hub ka dhigis waa waxyaabaha ugu adag ee la sameeyo uguna caqabadaha badan dunida marka aad baarto ama aad aqriso buugaagta laga qoray mowduucaan waxaana jira buugaag fara badan oo qoran kana hadlayo hub ka dhigis sida buuga loogu magac daray โ€œHub ka dhigista iyo Mareekankaโ€ ee uu qoray Benjamin Williams sanadkii 1973.

Howgalka xasilinta caasimadda waa howlgal curdun ah oo hada dhaw bilowday sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha amniga, waxaana kuu muuqaneysa in ay jiraan fursado badan oo wanaag uu ka muuqdo sida dowladda in ay diidantahay oo kaliya in hubka magaalada lagu dhex wato taasina waa xal dan u ah qof walba oo Nabad iyo Nolol raba.

Hanaanka hub ka dhigista ee dadka qaar ay u turjunteen hub ka dhicis waxa uu mari doonaa habab badan oo u baahnaan doona in la qeexo, lana muujiyo waajibka saaran Dowladda iyo xaqa uu leeyahay Muwaadinka hubeysan iyo waliba xaqa lagu leeyahay.

Qof soo iibsaday Bastoolad, Ak47, qoriga ay Soomaalida u taqaan Daba jeex, Ama gaari cabdi bille ah si uu naftiisa ugu ilaaliyo in laga qaado waa mid xanuun badan, qofkana ku ridi karta mooraal dilaac ku aadan cida naftiisa badbaadineysa iyo sida uu ku heli lahaa lacagta uu kusoo iibsaday hubkaas maadaama ay dowlada kala wareegtay.

Balse dowladda ayaa waxa ay wadaa qorshe lagu ilaalinayo dhamaan dadka u baqanayo naftooda ilaa iyo xad, waxaana rajeyn doonaa arintaas in lagu daro arin dhaqaale celin ah, taasina waxa ay fududeen doontaa in dad badan aysan hubka duugan oo ay Dowladda ku soo wareejiyaan.

Safar walba oo Kun talaaba ah waxa uu ka bilowdaa koow, hub ka dhigista hada ka bilaabatay Muqdisho waxaa xigi doonta magaalooyin badan oo hubka sida Muqdisho loogu wato in hubka laga dhigo, tร asina waxa ay yareyn doontaa in shacabka aan hubeysneyn ay ku dhintaan si maxaa kaa galay ah oo ummadda dhan ay noqdaan dad ilaahey ka sakow amniga ka suga Dowladda ee aan gacantooda ku tashan.

Hal qof oo hubeysan oo qabiilkaaga ah oo kaliya difaacanaya naftiisa, Tan waalidkiisa iyo tan carruutiisa inta aad ku taageeri laheyd in Dowladda aysan Hubkiisa ka qaadin, soo kaagama wanaagsana in aad Dowladda ku taageerto in ay hubka isaga ka qaado ayna kuu badbaadiso Kumanaan Soomaali ah oo gardaro ama qarax lagu dili lahaa, Badbaadada Shacabka waxaa mas’uul ka ah Dowladda, qabiilka waxa uu dib kuugu celinayaa Mugdigii iyo cidladii Muqdisho ay horey usoo martay, Hub ka dhigista dowladda ma aha hub ka dhicid ee waa badbaadinta qoyskaaga iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

 

WQ Sharmake Abukar Amin

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo Madrid kula kulmay Xoghayaha Guud ee Hayโ€™ada Dalxiiska Adduunka “SAWIRRO”

Next Post

Kooxda Marshaale oo u soo gudubtay wareegga afar dhamaadka

Next Post
Kooxda Marshaale oo u soo gudubtay wareegga afar dhamaadka

Kooxda Marshaale oo u soo gudubtay wareegga afar dhamaadka

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

July 26, 2025
0

๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐‡๐š๐ง๐ญ๐ข๐๐ก๐จ๐ฐ๐ซ๐ค๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‰๐…๐’ waxa uu ku faraxsan yahay qalinjabinta afar xubnood oo ka tirsan Maamulka iyo Agaasinka Xafiiska...

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

July 26, 2025
0

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa si habsami leh uga socota magaalada dhuusamareeb ee xarunta Doad goboleedka Galmudug Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa isu diiwaangelinaya...

Faransiiska oo ku dhawaaqay inuu aqoonsan doono dowladnimada Falastiin

Faransiiska oo ku dhawaaqay inuu aqoonsan doono dowladnimada Falastiin

July 26, 2025
0

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka dhawaajiyay, in dowladdiisa ay dhawaan aqoonsan doono dowladnimada Falastiin, taas oo uu horgayn...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgashiga iyo tamarta Cagaaran

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgashiga iyo tamarta Cagaaran

July 26, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhinacyo badan taabanaya kulan kula yeeshay magaalada Baku,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In