Sunday, June 29, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari oo la kulmay danjriaha Midowga Yurub

caqiil by caqiil
July 23, 2017
in Wararka
0
Munaasabad lagu taageerayay guddoonka baarlamanka oo lagu qabtay Jiddah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Midowga Yurub ee  Soomaaliya oo ay kawada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Midowga yurub iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha horumarineed ee midowga Yurub uu ku taageeraayo golaha shacabka.

Sidoo kale, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa la kulmay sii hayahah danjirahaMasar ee Soomaaliya Tamer Safwat El-Mahdy oo ay ka wada hadleen xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Masar iyo sidoo kale xiriirka labada Baarlamaanka ee Soomaaliya iyo Masar ,waxaana sii hayahah safiirka Masar ee Soomaaliya uu uga mahad celiyay guddoomiyaha golaha soo dhoweyntiisa wanaagsan iyo sida ay uga go’an tahay kor u qaadida xiriira walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada wadan.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MASHAARIIC HORUMARINEED KA DHAGAX DHIGAYA GOBOLKA SHABEELLAHA DHEXE

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MASHAARIIC HORUMARINEED KA DHAGAX DHIGAYA GOBOLKA SHABEELLAHA DHEXE

June 29, 2025
Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Jubbadda Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Jubbadda Hoose

June 29, 2025

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo dhankiisa u mahad celiyay dowladda iyo Shacabka Masar ayaa hambalyo ku aadan sanad guuradii 65-aad ee kasoo wareeegatay markii xornimada qaatay dalka Masar u diray shacabka Masar iyo dowladda gaar ahaan baarlamaanka dalkaasi.

Dhinaca kale, qaarka mid ah gudiyada golaha Shacabka ayaa maanta kulamo ay kaga hadleen  qorshe howleedkooda ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ,iyagoo gudiyada qaarkooda la kulmay Wasiirada wasaaradaha shaqadooda ku abaaran tahay.

Xildhibaan Cali Cusmaan Xirsi (Cali Jowhar) oo ah guddoomiyaha gudiga arimaha adeega bulshada ee golaha shacabka iyo guddoomiyaha gudiga difaaca ee golahaas Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay kulamadan qeyb ka yihiin howlaha isla xisaabtanka.

Guddoomiyaha gudiga ganacsiga iyo warshadaha ee golaha shacabka xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene-Beene, guddoomiyaha gudiga maaliya ,miisaaniyada iyo qorsheynta ee golaha shacabka xildhibaan Cali Cabdi Cusmaan iyo  sidoo kale Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Taahir oo ah guddoomiyaha gudiga howlaha guud iyo tamarta ee golaha shacabka ayaa   sheegay in ay la kulmeen qaar kamid ah wasaaradaha shaqdooda ku abaaran tahay.

Guddiyada golaha shacabka ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulamo la yeelanayay wasaaradaha ay u xilsaaran yihiin oo ay kala hadlayeen howlaha horyaala iyo qorshahooda sanadaha soo socda.

 

Previous Post

Wefdi Seychelles  ka socday oo soo gaaray dalka-Sawirro

Next Post

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo Garowe ka furtay shirweyne wadatashi ah-Sawirro

Next Post
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo Garowe ka furtay shirweyne wadatashi ah-Sawirro

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo Garowe ka furtay shirweyne wadatashi ah-Sawirro

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MASHAARIIC HORUMARINEED KA DHAGAX DHIGAYA GOBOLKA SHABEELLAHA DHEXE

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MASHAARIIC HORUMARINEED KA DHAGAX DHIGAYA GOBOLKA SHABEELLAHA DHEXE

June 29, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray deegaanka Haawaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Jubbadda Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Jubbadda Hoose

June 29, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa saaka waaberigii fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Deegaanno ka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dib-u- dhiska laamiga Zoobe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dib-u- dhiska laamiga Zoobe

June 29, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax dhigay dib-u-dhiska Laamiga...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo si rasmi ah u hirgelisay nidaamka PISCES

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo si rasmi ah u hirgelisay nidaamka PISCES

June 29, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaamka PISCES (Personal Identification Secure Comparison...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In