Saturday, July 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada XDS, kuwa Jubbaland iyo AMISOM oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka wada Kulbiyoow

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ciidamada XDS, kuwa Jubbaland iyo AMISOM oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka wada Kulbiyoow
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada XDS oo ay wehliyaan kuwa Jubbaland iyo AMISOM ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab waxa ay ka billaabeen deegaanka Kulbiyow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha ciidamada Jubbaland ee Kulbiyoow Maxamed Cabdi Qabbaan ayaa VOA u sheegay in howlgalkaasi uu haatan si xowli ah uga socdo deegaankaasi, isagoo xusay in ujeeddada howlgalkaasi yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen gacan ku heynta Kulbiyoow.

Related posts

Shirka Wasaaradaha Wax-soo-saarka iyo Dhismaha Guddiyada Farsamo ee Qorsheynta Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Shirka Wasaaradaha Wax-soo-saarka iyo Dhismaha Guddiyada Farsamo ee Qorsheynta Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb

July 18, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya

July 18, 2026

“Ujeeddadeenu waa in aan maleeshiyaadka Shabaab ka xoreyno deegaanka Kulbiyoow, waxaanna ku rajo weynnahay inaan saacaadaha soo socda si buuxdo ula wareegno gacan ku heynta Kulbiyoow ” ayuu yiri Maxamed Cabdi Qabbaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaasi ku daray in dagaalkani uu qeyb ka yahay howlgallo qorsheysan oo maleeshiyadka Shabaab looga sifeynayo deegaannada Jubbooyinka, wuxuuna tilmaamay in dadkii degganaa deegaanka Kulbiyoow ay badankood u qaxeen ama u carareen magaalada Kismaayo.

Sarkaalkan oo sii hadlay ayaa tibaaxay ineysan jirin wax qasaare ah oo soo gaaray ciidamada inta uu socday dagaalka lagu xoreynayo deegaanka Kulbiyoow, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in qasaare xoog leh ay gaarsiiyeen maleeshiyaadka Shabaab,  walloow uusan caddeynin nooca qasaarahaasi, laakiin wuxuu ballan qaaday in ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan qasaaraha dagaalkaasi ka soo gaaray maleeshiyaadka Shabaab.

Halkan kala soco wixii ku soo kordha  

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday xarumihii ay lahayd Wasaaradda “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee wasaaradda Maaliyadda ee Maamulkaasi+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee wasaaradda Maaliyadda ee Maamulkaasi+Sawirro

Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee wasaaradda Maaliyadda ee Maamulkaasi+Sawirro

Shirka Wasaaradaha Wax-soo-saarka iyo Dhismaha Guddiyada Farsamo ee Qorsheynta Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Shirka Wasaaradaha Wax-soo-saarka iyo Dhismaha Guddiyada Farsamo ee Qorsheynta Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb

July 18, 2026
0

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS, iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka...

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya

July 18, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan la-qaatay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya, Colonel Andy...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Gobalka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Gobalka Hiiraan

July 18, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa xalay fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay Khawaarijta...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho ee Degmooyinka Koonfur Galbeed oo lagu qabtay Baydhabo

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho ee Degmooyinka Koonfur Galbeed oo lagu qabtay Baydhabo

July 18, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi, oo socdaal shaqo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In