Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Max’ed Guuleed Qadar oo ka hadlayay munaasabad lagu soo xirayay tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Dowladad Soomaaliay ay ku guuleysatay ladagaalanka Musuqa.
“Sida aad la socotaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu hirgeliyay tiirarkii muhiimka u ahaa Dowladda kuwaasi oo horey uu u balanqaaday Madaxweynaha JFS, Waxaa lagu guuleystay in wax badan laga qabto ladagaalanka Musuqa, qofkii qalin wax ku dhacana sharciga ayaa la horkeenaya”,Ayuu Raiisul Wasaare ku xigeenka dalka.
Mudane Mahdi Max’ed Guuleed ayaa Sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay bixiyaan Canshuurta maadaama Dowladda Soomaaliya ay ka soo baxday dowrkeedii ahaa ladagaalanka Musuqa, taasi oo keeneysa in lacagaha laga qaado bulshada loogu adeego Dalka iyo Dadkaba.
Mudadii ay jirtay Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Max’ed C/laahi Farmaajo waxaa la dareemayaya horumaro balaaran oo isugu jira dhinacyada Ammaanka, Dhaqaalaha, ladagaalanka Musuqa iyo xiriirka dhinaca diblomaasiyadda.