Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud G/Benaadir oo ka hadlay xafiis cusub oo ay u fureen dadka isku heysta dhulalka “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud G/Benaadir oo ka hadlay xafiis cusub oo ay u fureen dadka isku heysta dhulalka “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa hirgeliyay xafiis qaadaya cabashada dadka dhulalka isku heysta.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Benaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ka warbixiyay xafiiska cusub ee laga hirgeliyay Muqdisho.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

“Xafiiskan waxa uu ka shaqeynayaa cabashooyinka dadka tabanaya dhanka dhulalka, waxaana uu isku xirayaa Madaxda gobolka iyo dadka cabashada qaba, waana xafiis u fududeynaya in dadka cabanaya ay si fudud ku helaan Madaxda gobolka, si loo dhageysto cabashadooda ee dhanka dhulalka la isku heysto”ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Benaadir ee dhanka Howlaha Guud.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Benaadir ayaa sheegay in xafiiskan cusub ay ka howlgalaan dad aqoon u leh dhanka dhulalka, isla markaana horey uga soo shaqeeyay dowladda Hoose ee Xamar, waxaana uu intaa ku daray in howlwadeenada xafiiska ay fududeynayaan dadka in ay u soo gudbiyaan madaxda ay quseyso.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Benaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa tilmaamay in xafiiskan uu yahay mid cusub, bulshaduna ay ku qanci doonto howlwadeenada arrintaasi loo xilsaaray, maadaama lagu kala ogaanayo dadka saxda ah ee dhulka iska leh iyo kuwa kale ee ka been sheegta waxa aysan lahayn.

“Dadka xafiiskan ka howlgalla go’aan ma lahan oo ay ka gaarayaan cabashada ay dadku qabaan, balse ujeedka loo aas aasay waxa ay tahay inay qoraan oo ay noo soo gudbiyaan xogta cabashadooda” ayuu yiri Aadan Sheekh Cali Fiidow.

Halkan ka dhageyso Wareysiga.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/08/Guddoomiye-ku-xigeenka-Howlaha-guud-ee-Gobolka-Benaadir-.mp3

 

 

Previous Post

Dowladda oo xaqiijisay howlgal lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab (Dhageyso)

Next Post

Soomaalida ku nool Sacuudiga oo ka cabanaya lacago canshuur ah oo lagu soo rogay “Dhageyso”

Next Post
Soomaalida ku nool Sacuudiga oo ka cabanaya lacago canshuur ah oo lagu soo rogay “Dhageyso”

Soomaalida ku nool Sacuudiga oo ka cabanaya lacago canshuur ah oo lagu soo rogay "Dhageyso"

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In