Weerarkan ka dhacay magaalada Herat oo kutaala xuduuda dalka Afganistaan uu la wadaago dalka iiiraan waxaa ku dhintay 30 qof halka 65 ay ku dhaawcmeen sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka dalkaasi.
Nin naftii halige ah ayaa isku qarxiyay masaajidka Jawadia oo kuyaala magaaladaHerat halka mid kale oo hubaysanaa uu rasaas ku furay dadkii masjidkaasi ku cibaadaysanayay,Afhayeen u hadlay maamulka magaaladaasi ayaa sheegey in 30 ay dhimatay 64 kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.
Saraakiisha laamaha ammaanka dalka Afganistaan ayaa sheegaya in qofka is qarxiyay marka hore uu rasaas ku beegsaday dadka masjidkaasi kujiray intasi kadibna uu is qarxiyay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkaasi ay ku lug lahaayeen ilaa 7 qof oo hubaysan, sida lagu sheegey warbaahinta dalkaasi balse si rasmi ah uma cadda.
Afhayeen u hadlay kooxda Taalibaan ayaa cambaareeyey weerarkaasi, kadib fariimo uu la wadaagay warbaahinta dalkaasi Afganistaan ku hadasha mana jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkasi argagixisanimo.