Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daadad iyo dhoobo ku rogmaday qeybo kamid ah Sierra Leone

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Daadad iyo dhoobo ku rogmaday qeybo kamid ah Sierra Leone
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqolaal qof ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen halka kuwo kalena guriyahooda ku xanibmeen ka dib markii daadad dhoobo wata ay ku rogmadeen caasimadda wadanka Sierra Leone, ee Freetown.

Buuro ku hareereysanaa magaalada, ayaa la sheegay in ay ku soo jabeen  aroornimadii hore maanta oo Isniin ah taas oo ka dambeysay markii ay da’een roobab mahiigaan ah waxayna keentay in gebi ahaanba guriyihii halkaas ku yiiley dambooleen dhoobo.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026

Wariye ka tirsan BBC oo goobta tagay ayaa sheegay in mashaqadan dhacday xilli dadka ay jiifeen.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in ay tahay waqti hore in faahfaahin laga bixiyo khasaaraha meesha uu gaarsiisan yahay.

Daraasiin qof ayaa laga soo saaray halkaas.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Sierra Leone Victor Bockarie Foh, ayaa sheegay in boqolaal ruux ay ku jiraan burburka hoostiisa.

“Musoobo aad u daran ayaa dhacday aniga qudheydo waa ay i taabatay,” ayuu u sheegay wakaalada Reuters. Waxaana uu intaa ku daray in goobta la xirey si dadka loo soo daad gureeyo.

Kooxaha gurmadka deg dega ah ayaa ku howlan soo badbaadinta dadka ku xaniban halkaas.

Sawiro laga soo geliyay Twitter-ka ayaa muujinaya dadka oo waddooyinka maraya oo biyo joog sare ku socdana ka soo shubmayaan hareeraha magaalada Freetown.

Daadadka kuma badna dalka Sierra Leone, sidaa awgeed guriyaha aan u dul qaadan karina isla markaana daadadka ayaa la taga.

Sanadkii 2015, magaalada Freetown waxaa soo maray daadad aad u ba’an oo ka dhashay roobabkii  Monsoon kuwaas oo dilay 10  qof iyadoona hoy la’aan noqdeen kumanaan kale.

 

Previous Post

R/W Ku xigeenka Soomaaliya “Dhibaatooyinkii jiray waxay nabareen casharo nagu filan kuwaas oo Indhaha noo furay”

Next Post

Agaasimaha SONNA iyo danjiraha China ee Soomaaliya oo kulmay

Next Post
Agaasimaha SONNA iyo danjiraha China ee Soomaaliya oo kulmay

Agaasimaha SONNA iyo danjiraha China ee Soomaaliya oo kulmay

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026
0

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In