Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka golaha wasiirrada oo lagu ansixiyey sharicga la dagaallanka argagixisada+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Shirka golaha wasiirrada oo lagu ansixiyey sharicga la dagaallanka argagixisada+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Sharciga la Dagaalanka Argagaxisada, go’aan laga gaaray dhismayaasha u dhow dhabaha diyaaradaha ku soo degaan, warbixino laga dhageystay Guddoomiyaha Gobolka Benadir iyo Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada oo sheegay si garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Adan Cadde uu u noqdo mid hela aqoonsiga caalamiga ah loo baahanyahay in la banneeyo 150 mitir dhan walba ee dhabaha diyaaradaha ku soo degaan (runway). Dood dheer ka dib, Golaha Wasiirada waxey go’aamiyeen in si deg-deg ah looga guuro oo loo banneeyo 150 mitir.

Related posts

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa Golaha Wasiirada siiyey warbixin ku aadan horumarka 100kii maalmood ee Maamulka Gobolka uu ku tallaabsaday sida xasilinta amniga, nadaafada, dhismaha waddooyinka sida 30ka, Xawo Casir, awood-siinta dumarka, dhiirigelinta dhalinyarada, is-dhexgalka bulshada, daahfurka aragtiwadaaga Maqaamka Muqdisho iyo arrimo kale. Golaha Wasiirada ayaa Guddoomiye Taabit ku ammaanay dadaalkiisa una ballanqaaday wadashaqeyn buuxda oo dhanwalba ah.

Hanti-Dhowrka Guud Mudane Maxamed Maxamud Cali ayaa warbixin kooban ka siiyey Golaha Wasiirada xaalada xafiiskiisa, qorsheyaasha uu rajeynayo inuu ku horumariyo xafiiska. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada la dagaalanka musuqmaasuqa, kuna amray Hanti-Dhowrka Guud inuu qaado tallaabo kasta oo lagula jihaadayo la dagaalanka musuqmaasuqa si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyey Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Argagaxisada oo Wasiirka Amniga uu Golaha horey ugu soo gudbiyey. Sharicgan ayaa muhiim u ah soo celinta amniga, nabadeynta iyo ciribtirka kooxaha argagaxisada ah oo shacabka dhibaatooyin u geysta.

Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedyada Batroolka iyo kan Istaatiistikada oo Wasiirada Batroolka iyo Qorsheynta ay warbixno kooban ka siiyeen Golaha Wasiirada muhiimada sharciyadan. Golaha ayaa soo akhrisan doona sharciyadan si kulamada danbe looga doodo, loona ansixiyo.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Golaha siiyey warbixin la xiriirta waxqabadkii 100kii maalmood ee Xukuumada ugana mahadceliyey Golaha Wasiirada dadaalkoodii dhaxalgalka ahaa oo suurtogeliyey in muddo kooban ku qabsoomaan howlo fara badan oo muhiim u ah dalka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ka codsaday Golaha Wasiirada inay ka howlgalaan qorsheyaashooda 9ka bilood ee soo socda.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka tacsiyeeyey Geeridii Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo dalka xilal kala duwan ka soo qabtay horeyna u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Maaliyada iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeen. Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa sheegay inuu socdo wadahadal qoyska oo looga hadlayo in Meydka la keeno Muqdisho si aas qaran loogu sameeyo iyo in kale.

Previous Post

Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo meel mariyay Golaha Wasiirada cusub

Next Post

7 kamid ah Al-shabaab oo xalay lagu diley degmada Jilib

Next Post
7 kamid ah Al-shabaab oo xalay lagu diley degmada Jilib

7 kamid ah Al-shabaab oo xalay lagu diley degmada Jilib

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In