Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Shabeelaha Hoose C/fitaax Cabdi Cabdulle oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka Xoogga Dalka ay howlgalo ka sameeyeen deegaano katirsan gobolka Sh/Hoose, waxaana uu sheegay in ciidanku ay la wareegeen deegaano horey ay ugu sugnaayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Deegaanada ay qabsadeen ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ka mid ah Bariire, Sabiible, Caanoole, Mareerey iyo tuulooyin kale oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Shabaab.
C/fitaax Xaaji Cabdulle guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegey in ciidamada Dowladda siweyn loogu soo dhaweeyey deegaanadii ay qabsadeen, ayadoo la arkayay dadweyne aad u farabadan oo ku faraxsan howlgaladaasi dib u xoreynta ah.
Deegaanka Bariire ayaa kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada Awdheegle ee gobolkaasi, halkaasi o la sheegay in laga taagay calanka Soomaaliyeed, islamarkaana laga dejiyay marada madow ee lagu yaqiinay maleeshiyada Al-shabaab.
Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa ugu baaqey shacabka ka soo jeeda deegaanadaasi in ay dib ugu so laabtaan guryohooda, islamarkaana laga qaaday culeyskii ay ku hayeen kooxaha argagixisada.
Halkan ka dhageyso wareysiga