Saturday, July 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bankiga Adduunka oo caddeeyay in Soomaaliya ay diyar u tahay fulinta dhaqaalaha loo qoondeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 22, 2017
in Wararka
0
Bankiga Adduunka oo caddeeyay in Soomaaliya ay diyar u tahay fulinta dhaqaalaha loo qoondeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Puteri Watson oo ka tirsan Bankiga Adduunka oo wareysi gaar ah siisay Warbaahinta Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay xilligan isbedel balaaran ka sameysay hannaanka Maaliyadda dalka sanadihii u dambeeyay, ayna tahay tallaabo ku dhiiri gelisay inay halkan ka fuliyaan mashaariic kala duwan.

Puteri Watson ayaa ugu horeyn la weydiiyay su’aal ahayd, inay sharaxaad ka bixiso mashariicda uu Bankiga Adduunka ka wada Soomaaliya?

Related posts

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

July 26, 2025
Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

July 26, 2025

Jawaab: Bankiga Adduunka ee Soomaaliya waxaa uu udub dhexaad u yahay in 10 deeq bixiye dhaqaalaha u soo marsiiyaan Soomaaliya, waxaana uu ka kooban yahay saddex tiir kan koowaad waa dhismaha xoojinta hey’adaha dowliga, kan labaad xoojinta hey’adaha Maaliyadda, halka kan saddexaad uu yahay kobcinta dhaqaalah reer miyiga iyo soo kabashadooda.

Waxaa sidoo kale sameysaa xog aruurin iyo taxliilin oo aas aas u noqon karta mustaqbalka barnaamijyada maaliyadda ee Soomaaliya, ma ahan oo kaliya bankiga adduunka guud ahaan horumarinta deeq bixiyeyaasha.

Su’aal: Tababbarka maanta muxuu salka ku hayaa?

Jawaab: Tababarkan guud ahaan waxa uu ku saabsan yahay ka hadalka waxyaabihii qabsoomay, gaar ahaan barnaamijka deeq bxiyeyaasha badan ee loo yaqaano MPF kaas oo ah sidii loo heli lahaa in hoggaanka barnaamijyada ay noqoto dowladda Soomaaliya, isla markaaana dowladda ay u hanan la heyd maamulka iyo mareynta hey’adaha maaliyadda dalka.

Sidaa awgeed tababbarkan waxaa uu quseeya sida fariimahaas looga miro dhalin karo, sida loo gaarsiin lahaa cidda ay quseyso, waxaana kala hadlaynaa dadweynaha Soomaaliyeed, madaxda dowladda, mas’uuliyiinta barnaamijyada bankiga Adduunka iyo BA qudhiisa.

Su’aal: Imisa maalin ayuu socon doona barnaamijkan?

Jawaab: Labo maalin ayuu socon doonaa kan hore madaxda dowladda iyo kooxaha ka shaqeeya mashruuca BA ayaa loo qabanayaa, maalinta labaadna waa warbaahinta iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa lagu casuumayaa si ay dhankooda door ugu yeeshaan.

Su’aal: Goormee la aas aasay barnaamijka deeqbixiyeyaasha badan?

Jawaab: Barnaamijkan deeq bixiyeyaasha badan waxaa la sameeyay 2012 ilaa waqtigaas horumar balaaran ayaa la gaaray, horumarinta dhsimaha hey’adaha iyo maareeynta maaliyadda dalka ilaa hadda waxaa haynaa 52 milyan doolar oo kal hore la gaarsiiyay hey’adaha maaliyadda dowladda Soomaaliya.

Waxaa jira barnaamij guud ahaan ay ku baxday 105 milyan oo doolar oo ay maamushay dowladda Soomaaliya, waxaana rajo ka qabnaa inย  la sii kordhin doono.

Su’aal: Kalsooni intee la eg ayaad ku qabtaan in barnaamijkan uu mira dhalo?

Jawaab: Sida aan ka aragnay ilaa iyo hadda ajendayaasha dowladda waxaan ku kalsoonnahay in ay fulin karaan mashaariicda, taas ayaana nagu dhiiri gelisay howshan.

Wareysigan waxaa qaaday oo turjumay: Cali Cabdiraxmaan Aadan Cali PK

Previous Post

Tababbar ku saabsan Xiriirka deeq bixiyaasha oo ka furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Sheekh Nuur Baaruud Oo Ka Qeybgalay Barnaamijka Sama Wade

Next Post
Hayโ€™adda Culimada Soomaaliyeed: โ€œShabaab xasuuqa dadka rayidka ah caado ayay u leeyihiinโ€

Dhageyso Sheekh Nuur Baaruud Oo Ka Qeybgalay Barnaamijka Sama Wade

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

July 26, 2025
0

๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐‡๐š๐ง๐ญ๐ข๐๐ก๐จ๐ฐ๐ซ๐ค๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‰๐…๐’ waxa uu ku faraxsan yahay qalinjabinta afar xubnood oo ka tirsan Maamulka iyo Agaasinka Xafiiska...

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota gobolada dalka

July 26, 2025
0

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa si habsami leh uga socota magaalada dhuusamareeb ee xarunta Doad goboleedka Galmudug Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa isu diiwaangelinaya...

Faransiiska oo ku dhawaaqay inuu aqoonsan doono dowladnimada Falastiin

Faransiiska oo ku dhawaaqay inuu aqoonsan doono dowladnimada Falastiin

July 26, 2025
0

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka dhawaajiyay, in dowladdiisa ay dhawaan aqoonsan doono dowladnimada Falastiin, taas oo uu horgayn...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgashiga iyo tamarta Cagaaran

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgashiga iyo tamarta Cagaaran

July 26, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhinacyo badan taabanaya kulan kula yeeshay magaalada Baku,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In