Wednesday, July 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bankiga Adduunka oo caddeeyay in Soomaaliya ay diyar u tahay fulinta dhaqaalaha loo qoondeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Bankiga Adduunka oo caddeeyay in Soomaaliya ay diyar u tahay fulinta dhaqaalaha loo qoondeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Puteri Watson oo ka tirsan Bankiga Adduunka oo wareysi gaar ah siisay Warbaahinta Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay xilligan isbedel balaaran ka sameysay hannaanka Maaliyadda dalka sanadihii u dambeeyay, ayna tahay tallaabo ku dhiiri gelisay inay halkan ka fuliyaan mashaariic kala duwan.

Puteri Watson ayaa ugu horeyn la weydiiyay su’aal ahayd, inay sharaxaad ka bixiso mashariicda uu Bankiga Adduunka ka wada Soomaaliya?

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 7, 2026
Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026

Jawaab: Bankiga Adduunka ee Soomaaliya waxaa uu udub dhexaad u yahay in 10 deeq bixiye dhaqaalaha u soo marsiiyaan Soomaaliya, waxaana uu ka kooban yahay saddex tiir kan koowaad waa dhismaha xoojinta hey’adaha dowliga, kan labaad xoojinta hey’adaha Maaliyadda, halka kan saddexaad uu yahay kobcinta dhaqaalah reer miyiga iyo soo kabashadooda.

Waxaa sidoo kale sameysaa xog aruurin iyo taxliilin oo aas aas u noqon karta mustaqbalka barnaamijyada maaliyadda ee Soomaaliya, ma ahan oo kaliya bankiga adduunka guud ahaan horumarinta deeq bixiyeyaasha.

Su’aal: Tababbarka maanta muxuu salka ku hayaa?

Jawaab: Tababarkan guud ahaan waxa uu ku saabsan yahay ka hadalka waxyaabihii qabsoomay, gaar ahaan barnaamijka deeq bxiyeyaasha badan ee loo yaqaano MPF kaas oo ah sidii loo heli lahaa in hoggaanka barnaamijyada ay noqoto dowladda Soomaaliya, isla markaaana dowladda ay u hanan la heyd maamulka iyo mareynta hey’adaha maaliyadda dalka.

Sidaa awgeed tababbarkan waxaa uu quseeya sida fariimahaas looga miro dhalin karo, sida loo gaarsiin lahaa cidda ay quseyso, waxaana kala hadlaynaa dadweynaha Soomaaliyeed, madaxda dowladda, mas’uuliyiinta barnaamijyada bankiga Adduunka iyo BA qudhiisa.

Su’aal: Imisa maalin ayuu socon doona barnaamijkan?

Jawaab: Labo maalin ayuu socon doonaa kan hore madaxda dowladda iyo kooxaha ka shaqeeya mashruuca BA ayaa loo qabanayaa, maalinta labaadna waa warbaahinta iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa lagu casuumayaa si ay dhankooda door ugu yeeshaan.

Su’aal: Goormee la aas aasay barnaamijka deeqbixiyeyaasha badan?

Jawaab: Barnaamijkan deeq bixiyeyaasha badan waxaa la sameeyay 2012 ilaa waqtigaas horumar balaaran ayaa la gaaray, horumarinta dhsimaha hey’adaha iyo maareeynta maaliyadda dalka ilaa hadda waxaa haynaa 52 milyan doolar oo kal hore la gaarsiiyay hey’adaha maaliyadda dowladda Soomaaliya.

Waxaa jira barnaamij guud ahaan ay ku baxday 105 milyan oo doolar oo ay maamushay dowladda Soomaaliya, waxaana rajo ka qabnaa in  la sii kordhin doono.

Su’aal: Kalsooni intee la eg ayaad ku qabtaan in barnaamijkan uu mira dhalo?

Jawaab: Sida aan ka aragnay ilaa iyo hadda ajendayaasha dowladda waxaan ku kalsoonnahay in ay fulin karaan mashaariicda, taas ayaana nagu dhiiri gelisay howshan.

Wareysigan waxaa qaaday oo turjumay: Cali Cabdiraxmaan Aadan Cali PK

Previous Post

Tababbar ku saabsan Xiriirka deeq bixiyaasha oo ka furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Sheekh Nuur Baaruud Oo Ka Qeybgalay Barnaamijka Sama Wade

Next Post
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed: “Shabaab xasuuqa dadka rayidka ah caado ayay u leeyihiin”

Dhageyso Sheekh Nuur Baaruud Oo Ka Qeybgalay Barnaamijka Sama Wade

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula qaatay odayaasha...

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026
0

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟕 𝐋𝐮𝐮𝐥𝐲𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔 –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

July 7, 2026
0

Muqdisho, 07, Luulyo, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay'adaha dowladda, duubabka dhaqanka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

July 7, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In