Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Abaabinta iyo Xannaaneynta Ubadka.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 10, 2017
in Wararka
0
Abaabinta iyo Xannaaneynta Ubadka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa jira waxyaabo inta badan ay maanta isku khalado bulshadeennu, taasina waxey keentaa  in kasmadii iyo nuxurkii sheygaas la xariiray la marinhabaabiyo.

Xannaaneynta Ilmaha iyo Tarbiyeyntoodu (abaabintu), had iyo jeer waa la isku khaldaa,Xannaaneyntu waa in aad daneyso muuqaalka kore ee ubadka, sida jidhkiisa wacan, labbiskiisa, cunto fiican iyo waxyaabaha inta badan la xariira muuqaalka kore ee awlaadda,Tarbiyadduse waa ka gaddisan tahay Xannaanada.

Related posts

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025

Tarbiyaddu waa in aad cunugga ku abaabiso wax uu aamino, caqiido, hiddo, dhaqan iyo fahanka guud ee nolasha,Waxaa kaloo ka mid ah in aad u fiirsato halabuurka iyo waxqabadka uu ku fiican yahay ubadku, Suugaanta iyo Fanka, Diinta iyo Culuumta, farsamada iyo wax qorista Waa in loo fasaxo wax alla iyo wixii uu hammiga gashto oo la xariira curin, halabuur, fan iyo farsamo aqooneed, oo aan lagu dirqin ubadka wax uusan maan iyo muraal u heynin.

Waxaa ka mid ah Tarbiyadda in aad buuxiso xilliga uu ubadku waxba qabaneyn, In aad isha ku heyso cidda uu la saaxiibayo iyo cidda ay tahay in uu ka fogaado, loona tilmaamo hadba xiriirka uu sameynayo nooca uu yahay iyo habka uu bulshada kala duwan ula noolaan karo, sida qaab hadalka, sida uu dadka ka weyn ugu jawaabayo, sida uu dariskiisa iyo bulshada guud ahaan ula dhaqmayo iyo sida uu u noqon lahaa qof isku filan maalin uun.

Xannaana la’aanta wuu ka soo kaban karaan ubadku, balse, tarbiyaddu haddii ay dhaafto, waxaa soo baxaya fac aan fiyoobi iyo fikir fariida toona laheyn,Sida ay hadda ku socoto tarbiyadda awlaaddeennu, waa qaab aan laheyn cawaaqib la mahdiyo,Waa in aan sara u qaadnaa culuumta la xariirta abaabinta ubadka, haddii kale waxaan dhaxleynaa jiil wada ah jidgooyodoon.

Waxaa iyana sheegid mudan in adadeegga waalidiinta qaar, ubadka uu u horseedaa dawdarnimo iyo saaqidnimo buuxda, waana barta ay badanaa ka qalloocato abaabinta ilmaha,Waxaa habboon, soona aroortay in waalidku u deeqo ilmihiisa udhimrin, laciyaarid, kaftan iyo in uu kula fara ka ciyaaro waxyaabo iska fudud oo markaas uu waladku xiiseynayo.

Waxaa la soo tabiyay in maalin maalmaha ka mid ah uu nabi Maxamed ﷺ waddo dhaxdeeda kula kulmay inankii uu awoowga u ahaa, Xuseen binCali,oo markaas ahaa cunug yar oo waddada iskaga dhex ciyaarayay, Nabigu labadiisa gacmood ayuu u fidiyay, si uu u xambaaro Xuseen, balse, Xuseen wuu ka diidday in uu habsiiyo nabiga, wuuna ka cararay, ilaa nabigu ﷺ ka daba tagay, kana qoslisiiyay, lana farakaciyaaray,Intaas yari waxey na tusineysaa sida loogu baahan yahay in waalidku mar walba noqdo qof u furfuran awlaaddiisa, duruuf walba oo jirta.

Waxaa kaloo ka mid ah tusaalooyinka hodanka ah ee ina tusinaya qiimaha ay leedahay raxmadda waalidka, in Nabi Maxamed ﷺ uu u ogalaan jiray Xasan iyo Xuseen in ay ku dul ciyaaraandhabarkiisa isaga oo sujuudsan,Wuxuu kaloo fududeyn jiray nabigu ﷺ salaadda, markii uu maqlo oohinta iyo qaylada ilma yar, maxaa yeelay, waxaa laga yaabaa in hooyadii cunugga dhashay ama aabbihiis uu ka mid yahay dadka tukanaya, sidaas darteed, nabigu ﷺ wuu fududeyn jiray salaadda, naxariis iyo beerjileec uu u hayo ubadka awgeed.

Waxaa la gudboon waalidiinta filimada cabsida ah ka dhex wada aqalladooda, in ay ka waantoobaan, oo ay ugu yaraan ubadkooda u turaan,Qeyladhaanta aad jeer kasta maqashiin ee aalaaba la xariirta waalid ubadkii laga qaatay, ama ubad duurgal noqday, inta badan waxaa ugu wacan adadeegga waalidiinta qaar iyo hannaankii tarbiyadda oo naga lumay guud ahaan.

Waalidiinta qaar waxey ubadkooda si toos ah ugu beeraan naceyb, colaad iyo in uu cunuggu noqdo wax macangag ah oo aan dhimrin,Kalitalisnimadu ma ahan wax ku kooban siyaasadda iyo talisk eewaa wax ka soo billaawda guryaha iyo goobaha tarbiyadda, waana halka ilaa iyo maanta ay sartu ka qurunsan tahay, kana hitinayno bulsho ahaan, dalkeennuna u caga-dhiggan la’yahay.

W/Q: Qoraa Cabdicasiis Maxamed Shidane. 

Previous Post

Somaaliya oo aan lagu soo darin liiska 20ka Dal ee Dunida ugu Khatarta badan oo la soo saarey

Next Post

Jabhadda hubaysan ee Rohingya oo xabad joojin ku dhawaaqdey si gar gaar loo garsiyo muslimiinta dhibaataysan

Next Post
Jabhadda hubaysan ee Rohingya oo xabad joojin ku dhawaaqdey si gar gaar loo garsiyo muslimiinta dhibaataysan

Jabhadda hubaysan ee Rohingya oo xabad joojin ku dhawaaqdey si gar gaar loo garsiyo muslimiinta dhibaataysan

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

July 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa soo gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu u...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

July 3, 2025
0

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In