Tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan hababka kala duwan ee doorashooyinka ayaa loo qabtay xubno ka socay hey’adaha qaabilsan arrimaha doorashooyinka iyo shaqaalaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.
Aqoon is waydaarsigan waxaaa soo qaban qaabiyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.
Aqoon is waydaarsigaan oo socondoona muddoย Sadex maalmood ah ayaa waxaa fuaray ย gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaacil Ibraahimย (Xaliimo Yareey .)
Qubaro ku xeeldheer ย arrimaha doorashooyinka ayaa bixinaya casharro ka tarjumaya habka kala duwan ee doorashooyinka, iyadoo xubnihii ka qeybgalay aqoon is waydaarsiga ay is dhaafsaden aragtiyo la xiriira mowduuca.
Dr.ย Daahir Mirre Jibriil xoghayaha ย guud ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aqoon is waydaarsigan uu ahmiyad leeyahay ayna ka soo bixidoonaan qodobbo dhaxalgal ah,ย ayna la wadadagi doonaan hey’adaha dowladda iyo maamul goboleedyada dalka.
Guddiga madaxa bannaan eeย doorashooyinka Qarankaย ayaa wajibaadkiisu yahay in dalka uu gaarsiyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-ka waxa ayna wadaan dadaallo arintaas loogu diyaar garoobayo.