Waxaa Labadi maalin ee la soo dhaafay qiimo koror ku yimid baradhada oo ka mid ah nuucyada ugu isticmaalka badan qudaarta. Baradha ayaa waxaa marki horay lagu kala iiban jiray kiilada 18 kun ilaa 20 kun oo shilin soomaali ah haatane waxa ay mareysaa kiilada 40, kun oo shilinka soomaali ah.
Waxaa isweydi mudan Sarakacaan baxaada leh ee ku yimid qudaartaan baradhada oo sameyn weyn ku yeelatay bulshada soomaaliyeed waana marki ugu horeysay oo ay gaarto heerkaan o kale.
Waxaana ka wareysanay mid ka mid ah dadka ka ganacsada qudaarta ee suuqyada magaalada muqdisho oo nooga waramay sarakacaan ku yimid baradha iyo waxa sababay in ay hal mar sidaan qimaheedu u kaco.
Qiimo karorkan ku yimid baradhada oo si weyn looga istcimaalo soomaaliya iyado xogeeda uu ka imaan jirtay dalka itoobiya waxaana lo aaneyay saracaan isku socodka gaadidka soomaaliya iyo itoobiya oo yaraaday ka dib qilaaf u dhaxeya qoomiyada urumiya oo degta dalka itoobiya iyo soomaalida.
C/qaadir Cali Axmed oo ka tirsan warbaahinta Qaranka ayaa socdaal ku maray Suuqyada lagu gado nuucyada qudaarta si uu ugu kuurgalo qiimo korarka qudaarta.