Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka soomaaliya oo ku sugan Degmada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya kuwaasoo u kuurgalaya Xaaladda Gobolka Bakool.
Socdaalka ay ku joogaan Degmada Xudur ayaa waxaa ku wehlinaya wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ma’suuliyiintaan ayaa waxaa ay u kuurgalayaan xaalada ay ku nool yihiin bulshada Bakool oo ka mida deegaanada hoos yimaada maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.
Dhanka kale Degmada Xudur ayaa waxaa ku sugan guddoomiyah Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya kuwaasoo Degmada Xudur ka furay Xafiis ay yeelanayso Maxkamada Ciidamada qalabka sida taasoo ka howl-gali doonta Xudur.
Maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa ku howlan maamul u sameynta Degmada Xudur maadaama baahi weyn ay u qabaan bulshada Degmada Xudur in ay helaan maamul u adeega shacabka.
Wariyaha warbaahinta Qaranka ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in ay DegmadaXudur ay joogaan ma’suuliyiin kala duwan oo kala matalaysa dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.
Degmada Xudur ayaa dhawaan waxaa gaaray wafdi uu hugaaminaayo wasiir ku xigeenka Wasaaradda gaashaandhiga Xukumada federaalka Soomaaliye C/laahi Colaad Rooble kuwa soo u kuurgalayay baahida ay qabaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaalieed ee ka Dagaalama Gobolka Bakool.
Halkaan hoose ka dhageyso Maxamed C/raxmaan wariyaheena Bakool: