Qeybtii ugu horeysay ee qalabka loogu talagalay Maamulka Hawada Soomaaliya si gaar ahna u quseeya saadaasha hawada oo maanta la Rakibay ayaa waxaa Xariga kajaray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulsta Hawada Dowladda federaalka ah iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibanao katirsan Baaralamanka Soomaaliya Masuuliyiinta iyo shaqaalaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawada, Agaaismaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Salaad.
Axmed Xasan Macalin oo ah maareeye ku xigeenka Hay’adda duulista iyo saadaasha hawada ee Somaaliya ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimada qalabkan uu u leeyahay hagidda diyaaradaha.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Dowladda federaalka ah Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad ayaa sheegay inay rajeynayaan in la dhameytiro qalabka Somaaliya ay ku maamuli doonto Hawada.
Dowladda Soomaaliya ayaa rajeyneysa inay lasoo wareegto maamulka hawada dhamaadka Bisha October ee sanadkan iyadoo dhawaan wasiirka gaadiidka iyo Duulsta hawada uu dalka Canada ku saxiixay heshiiskii u dambeeyay ee Somaaliya ay kulasoo wareegeyso Maamulka hawadeeda.
Halkaan hoose ka dhageyso wasiirka: