Monday, November 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada oo gacanta ku dhigay rag fal dambiyeed geystay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ciidamada oo gacanta ku dhigay rag fal dambiyeed geystay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada amniga oo kaashanaya shacabka gobolka Benaadir ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan dhallinyaro fal dhaawac ah ka geystay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Thabit Cabdi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay Waaxda Axmed-Gureey ee degmada Hodan ayaa sheegay in ciidamada dowladda, gaar ahaan ilaalada Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Khaliif Cabdiqaadir ay ku guuleysteen inay qabtaan labo dhallinyaro ah oo fal dambiyeed geystay kuwaasi oo doonayay inay goobta ka baxsadaan.

Related posts

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

November 10, 2025
Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

November 10, 2025

“Koox dhallinyaro ah oo bistoolado ku hubeysan, fal dambi ahna geystay oo qof soo dhaawacay ayaa la qabtay, waxaan caawa dadka Muqdishaawiyiinta ah ugu bishaareynayaa in wada shaqeynta shacabka keentay in lagu guuleysto in dad fal dambi intaas la eg geystay lagu qabtay Waaxda Axmed Gureey, Waa Alle mahadiis, waxaana ku wareejinay hay’adaha ammniga, iyaga ayaa caddeyn doono waxa ay yihiin raggan bistooladaha ku hubeysan” ayuu yiri Guddoomiye Thaabit.

Guddoomiyaha ayaa xusay in qofkii ay dhaawaca u geysteen raggan hubeysan ay ku booqdeen mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee Muqdisho, waxaana uu shacabka uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysteen in gacanta lagu soo dhigo rag fal dambiyeed geystay.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Washington kula kulmay Madax ka tirsan Bangiga Adduunka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

November 10, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindse Sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

November 10, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, oo...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

November 10, 2025
0

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan wasaaradaha arrimaha gargaarka ee...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

November 10, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustafa Duhulow ayaa soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In