Howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al shabaab ayaa si xowli ah uga socda deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.
Ciidamada XDS kuwa maamulgoboleedka Jubbaland iyo AMISOM ayaa si wadajir ah u fulinaya howlgalkaasi, iyagoo ku sii raadjooga haraadiga maleeshiyaadka Shabaab, si ay argagixiasada uga sifeeyaan dhamaan deegaannada hoos yimaada gobolke Gedo.
Taliyaha Guutada 9-aadย Ciidanka XDS ee gobalka Gedo Gaashaanle Sare ย Maxamed Caddow Cali “Sanka” ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ujeedada Howlgalan uu yahay si maleeshiyaadka argagixisada looga sifeyn lahaa dhamaan dalka oo dhan, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamadu ay guulo wanaagsan ka gaaridoonaan howlgalkan.
Dhinaca kale waxaa howlgalkaasi feersocda duqeymo dhanka hawada ah oo bartilmaameedkoodu yahay horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda Shabaab, iyadoo howlgalkii ugu dambeeyay lala beegsaday Saldhig Tababar oo ay kooxdu ku laheyd agagaarka Degaanka Ceelcadde ee Gobalka Gedo.