Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo dib u eegis ku sameyneysa sharciga socdaalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo dib u eegis ku sameyneysa sharciga socdaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ka qeyb-galay Barnaamijka kulanka Toddobaadka ee Warbaahinta Qaranka ayaa sharraxaad ka bixiyey sharciga socdaalka Soomaaliya oo dhowaan wadatashiyo arrimahaas ku aaddan laga bilaabay Muqdisho, waxa uu sheegay in wadatashiyadaas la gaarsiinayo gobolada dalka.

Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa tilmaamay in hey’addu ay hirgelisay xafiisyada Jubbooyinka iyo Gedo oo ilaalin doona dhinaca Xuduudaha, iyagoo kaashanaya Hey’adaha amniga dalka.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka ayaa soo  hadal qaadey horumarka Baasaboorka Soomaaliga ah, waxa uu carrabka ku adkeeyey in caalamka oo dhan uu ka shaqeeyo, hasa ahaatee loo baahan yahay in Soomaaliya ay wadamo adduunka la gasho heshiisyo socdaal, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu fududaato dalka ku galka ama VIISA-ha.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala hadleen arrimaha Socdaalka, welina ay wadaan wada hadallo, balse xayiraadda Mareykanka toddobada dal uu ku soo rogay aysan la xiriirin Baasaboorka ee ay tahay arrimaha Socdaalka dedaalkeeduna ay wadaan.

Ugu dambeyntii Agaasimaha Hey’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa ka hadlay waxa ay hey’addu hiigsaneyso mustaqbalka dhow.

“Waxaan rabnaa inaan gaarno hey’adda oo xaqiijisay, diiwaangelisay dhammaan ajaanibta dalka joogta ama martida ah, hey’adda oo xogta xuduudaha ku filan, hirgelisayna dhammaan xafiisyada muhiimka u ah, waxaan ku rajo weynnahay inaan galno heshiisyada socdaalka dalalka caalamka oo dhan iyo Soomaaliya oo ka mid noqotay hey’aaha socdaalka caalamka kuwa ugu horreeya ama ugu wanaagsan” ayuu yiri Mudane Koofi

 

 

 

 

Previous Post

Dhageyso:Taliska Ciidamada Xoogga Dalka oo guulo ka gaaray Dagaal Maanta ka dhacay G/hoose

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In