Tababarkan oo socon doono Mudo dhoor maalin aha ayaa waxaa Ka qeyb galiyaasha lagu baridoona Casharo Laxariira Dastuurka iyo Qorshaha Qaranka , Tababarkaan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adaha CRD FCA iyo Wasaarada Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Tababarka Mudada uu socodo waxaa Ka qeyb galaya xubno ka kala socoda Urarada Bulshada Rayidka si iyaguna ay ugaarsiyaan Bulshada Fariimaha Ama Waxii ay kubartaan tababarka.
Waxaa ka soo qeybgaley Furitaanka Tababarka Wasiirka wasaarada Dastuurka Dawlda Koonfur Galbeed C/laahi Sheekh Xasan iyo Wakiilka hay’ada Wadahadalka Iyo Dib u heshisiinta ee CRD , C/laahi xaaji Xasan. Wasiir kuxigeenka wasaarada Qorsheynta iyo Wakiilo ka socoday Hay’adaha FCA.
Ugu Horeen Waxaa Goobta ka hadley Wakiilka Hay’ada Wadahadalka iyo Dib u heshisiinta ee CRD C/laahi xaaji xasan waxaana uu faafahiyey Casharada labaridoono Ka qeybgaliyaasha mudada tababarka uu socodo.
Gababagadii waxaa kulanka sitoos ah ufuray Wasiirka Wasaarada Dastuurka KG C/laahi Sheekh Xasan waxaana ka qeybgaliyaasha uu kuladardaarmay in ay ka faa iideystaan Mudada tababarka uu socodo.