Caasimadda dalka Sudan ee Khartuum ayaa la qorsheynayaa in lagu qabto kulan looga hadlayo qadiyadaha amniga iyo deganaashaha wadamada Geeska Afrika.
Kulankan ayaa waxaa hadda qabanqaabinaya Ururka midnimada Afrika oo la kaashanaya hay’ad xukuumi ah oo qaabilsan qorsheynta iyo horumarinta wadamada Geeska Afrika oo marka la soo gaabiyo loo yaaaan IGAD.
Sida uu sheegay madaxa xafiiska xiriirka Ururka midawga Afrika ee Sudan Mahmuud Kan oo ah u qeybsanaha arrimaha wada hadalada iyo nabadgelyada ee Ururkaasi ayaa codsi ka qeyb galka kulankaasi ka dhici doona magaalada Khartuum uu u kala diray dhamaan aqoonyahanada ka qeyb galaya kulanka kuwaa oo ka kala imaanaya wadamada Geeska Afrika iyadoo haatan magaalada Khartuum uu ka socoda dhameystirka dhamaan arrimihii sahli lahaa qabashada kulankan.