Bashiir maxamed Yuusuf oo ah Gudoomihaya Amniga iyo siyaasadda Maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay socdaan dhaqdhaqaayo ka dhan ah Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab.
Bashiir maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay tani in ay qeyb ka tahay gulufka dagaal ee maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al shabaab looga saarayo deegaanada faro ku tiriska ah ee ay kaga harsan yihiin Gobolada Dalka gaar ahaan deegaanada shabeelaha hoose.
Waxaa uu sheegay Bashiir maxamed Yuusuf Gudoomihaya Amniga iyo siyaasadda Maamulka Degmada Baraawe in ay Gobolka ka jirto abaar saamayn ku yeelatay bulshada deegaanada shabeelaha hoose in kastoo ay jiraan deeqo la gaarsiiyay dadka ku nool Gobolka shabeelaha hoose hase ahaatee aysan ku filnayn marka loo eego baahida ay qabaan bulshadu.
Hoos ka dhageyso G/Bashiir Maxamed Yuusuf: