Shaqaalaha Wasaaradda Dekadaha, Gaadiidka iyo Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb qaatay Gurmadka loo sameynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii kooxda Argagaxisada Al shabaab ay ka geysteen iskoyska soobe ee magalada muqdisho
Shaqaalaha Wasaaradda Dekadaha, Gaadiidka iyo Badda ayaa dhiig u shubay dadka ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay magalada Muqdisho, waxaa halkaasi ku sugnaa Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka iyo Badda, Wasiirka amniga, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha, Gaadiidka iyo Badda iyo Masuuliyiin ka socotay shirkada Alberag.
Ugu horeyn waxaa halakaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dekadaha, Gaadiidka iyo Badda Maryan Aweys Jaamac waxayna sheegtay in wasaaradooda ay wado dadaalo lagu cawinayo dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe.
Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa ku amaanay Talaabada wanagasan ay qaadeen Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Dekadaha, Gaadiidka iyo Badda, isagoo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro kooxda Argagaxisada ah ee Al shabaab.