Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday” SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Xarunta Gurmad Qaran oo ay ka socdaan hawlaha gurmadka iyo baadigoobka dadka lagu la’yahay qaraxii argagixisanimada ahaa ee Soobe.

Madaxweynaha ayaa khadka teleefanka kula hadlay dad la soo wacay xarunta oo baadi goobaaya dad ay ilaa haatan ku la’yihiin qarixii, waxa uuna u sheegay Madaxweynuhu in dowladdu ay samaynayso dadaal kasta oo wax loogu qabanaayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay dhallinyarada iskood isu xilqaamay ee howl-wadeenada ka ah barnaamijka Gurmad Qaran, waxa uuna ku bogaadiyey wadaniyadda ay muujiyeen iyo sida hagrasho la’aanta ah ee ay isu abaabuleen si ay dhibka ula qaybsadaan dadkooda.

Dhinaca kale, Madaxweynahu waxa uu tagay garoonka diyaardaha ee Aadan Cade halkaas oo uu ku saagootiyey qaar ka mid ah dhaawacyada oo loo qaadaay dalka Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu halkaas kaga guddoomay Wasiirka caafimaadka Dalka Turkiga Mudane Axmed Demirkaan tacsi uu ka siday Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha dalkiisa.

Wasiirka ayaa yiri “Mudane Madaxweyne, waxa aan dhambaal tacsi ah idiin ka sidaa Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan iyo Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Bin Cali Yildirim. Waxa aan halkan u imaanay si aan idiin la qaybsanno murugada, markastana waa idiin muujinnaa in aan idin garab taagannahay.”

Madaxwyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay garab istaagga Turkiga ay u sameeyeen Soomaaliya mid ay ka filaayeen, maadaama labada dal ay ka dhaxeeyso xirriir qoto dheer iyo iskaashi walaaltinimo.

“Turkiya shacab iyo dowlad, waa ku mahadsantihiin sida aad ugu damqateen walaalihiina Soomaaliyeed, waxa aad noqoteen dalkii ugu horreeyey ee si dhaw noola qaybsada musiibada dhacday.”

Previous Post

Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya oo laga jaraayo hal milyan oo doolar si loogu caawiyo dadka ay waxyeelada soo gaartay “DAAWO”

Next Post

DAAWO AABBE WIILKIISA IYO GABARTIISA KU WAAYAY QARAXII ZOOBE

Next Post
DAAWO AABBE WIILKIISA IYO GABARTIISA KU WAAYAY QARAXII ZOOBE

DAAWO AABBE WIILKIISA IYO GABARTIISA KU WAAYAY QARAXII ZOOBE

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In