Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan baroor diiq iyo dhaqaale aruurin ah oo lagu qabtay Nairobi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Kulan baroor diiq iyo dhaqaale aruurin ah oo lagu qabtay Nairobi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan lagu cambaareenayay weerarkii lagu qaaday isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, isla markaana loogu baroor diiqayay dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarrunta wadanka Kenya.

Kulankan oo ka dhacay gudaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, ayaa waxaa ka soo qeybgalay culimaa’udiin, aqoonyahanno, waxgarad, ganacsato, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Ujeedada kulanka ayaa aheyd sidii gurmad deg deg ah loogu  sameyn lahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkii wuxuushnino 14-kii bishan ka dhacay  Isgoyska Zoobe KM5 ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Nuur Baaruud (Gurxan) oo ka mid ah dadka ka qeybgalay kulanka iyo Fardowso Sheekh Xasan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dad badan oo shacab ah la xasuuqo, iyagoo ku baaqay in meel looga soo jeesto kooxaha nabad diidka ah.

Sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya ahna Qunsulka guud ee Safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) oo isna hadal ka jeediyay goobta ayaa xusay in ka safaarad ahaan ay deeq dhaqaale ah u yaabooheen dadka ay musiibadu ku habsatay, waxaana uu Soomaalida ku nool dalka Kenya ugu baaqay in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda ku dhaawacmay weerarkii Isgoyska Zoobe.

In ka badan 200 oo shacab ah ayaa ku dhimatay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen qarax gaari loo adeegsaday oo 14 kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana jirta in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay loo qaaday dalka Turkiga, halka kuwa kalena la qaadi doono maalinta berito ah.

Omar Abdi Hassan Nairobi 

Previous Post

Qaar ka mid ah dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhashay xasuuqii Zoobe

Next Post

Diblomaasiyiinta Imaaraadka oo dhiig ugu deeqay dhibanayaasha qaraxii Zoobe-Sawirro

Next Post
Diblomaasiyiinta Imaaraadka oo dhiig ugu deeqay dhibanayaasha qaraxii Zoobe-Sawirro

Diblomaasiyiinta Imaaraadka oo dhiig ugu deeqay dhibanayaasha qaraxii Zoobe-Sawirro

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In