Saturday, May 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka oo Booqday Dhaawacyada la geeyay Turkiga”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka oo Booqday Dhaawacyada la geeyay Turkiga”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaar ka mid ah Dhaawacyaddii  la geeyey dalka Turkiga ayaa Xaaladooda caafimaad kasoo reyneysa, iyadoo lagu guuleystay qaliino lagu sameeyey qaar ka mid ah 35-ta bukaan ee la geeyey xarumaha caafimaadka ee Dalka Turkiga.

Dhawaacyada loo qaaday dalka Turkiga ayaa waxaa loo qeybiyey afar isbitaal oo ka mid ah isbitaaladda ugu wanaagsan ee dalka Turkiga , 22 qof waxaa la jiifiyay Polati Hospital , 3 qof oo carruur ah waxaa la dhigay Deshkapi Hospital, 8 qof Ankara Namune Hospital halka 2 qof la seexiyay Ataturk Hospital.

Related posts

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

May 1, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026

May 1, 2026

Xaalada 10-ka mid ah dhaawacyada loo qaaday Dalka Turkiga ayaa ku jira xaalad adag, qaarkood coma ayay ku jiraan, kuwaasi oo la ogoleyn in la booqdo, qaarna goobta baxnaanada AMA ee gargaarka gaarka ah ayaa la jiifiyay, kuwaasi lagu guuleystay qaliinadooda, isla markaana ah kuwa la wareysan karo.

Waxaa socdo dadaalo isdaba joog ah, qorsheyn iyo isbedelid bukaanada haddii loo arko in isbitaal kale lagu wareejiyo, si loo baxnaaniyo.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka guud  ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. C/rixmaan C/llaahi Ibraahim oo warbixin ka dhageystay Dhaqaatiirka ayaa aad ugu ammaanay dowladda Turkiga Dadaalada ay ugu jirto sidii ay caafimaad deg deg ah u heli lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee haatan ku jira Isbitaalada dalkaas,

Dr. C/rixmaan C/llaahi Ibraahim ayaa sidoo kale booqday qaar ka mid ah Bukaanadda isagoo si gaar ah u xog wareystay xaaladahooda iyo waxa ay haatan dareemayaan.

Wasaaradda caafimadka ee Soomaaliya ayadoo kaashanaysa safaaraddda Soomaaliya iyo guddiga ardayda waxaa qof waliba oo bukaan ah loo sameeyay qof u turjumo, maadaama ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Turkiga ay aqoon u leeyihiin luuqadda dalkaasi, taasi oo fududeyneysa in ehelada la socda dhaawacyada ay ku qancaan hanaanka loogu gurmanayo.

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Turkiga oo ay ka wada hadleen xaaladda caafimad dhaawacyada Isbitaalada jiifa iyo in la filans karo mustaqbalka dhaw qeyb kale hadii ay dowladda Turkiga naga caawin karto.

Dhinaca kale Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxa uu la kulmay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Turkiga Oner Guner iyo Madaxa qeybta xiriirka iyo siyaasadda dibadda Dr Selemi waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Wasaaradood ee mustaqbalka dhow iyo kan fog iyo sidii loosii wadi lahaa caawinta dhaawacyada Soomalida.

Previous Post

Kulankii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo Dib u dhacay.

Next Post

Wasiirka Amniga “Dhawaan ayaan soo bandhigeynaa xogta dadkii loo soo qab qabtay qaraxii Zoobe”

Next Post
Wasiirka Amniga Waxaan gacanta ku dhignay Madaxii Amniyaadka Gobolka Banaadir C/wahab Khaliif Axmed

Wasiirka Amniga "Dhawaan ayaan soo bandhigeynaa xogta dadkii loo soo qab qabtay qaraxii Zoobe"

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

May 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dowladda Soomaaliya Sh. Mukhtaar Roobow Cali ayaa oo Daahfuray Duulimaadyadii ugu horreeyay ee Xujeyda...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026   1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a dinner...

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Somalia casho...

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa akhriyay warmurtiyeedka Shirweynaha 1aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In