Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Caleemo saarka Madaxweynaha Hirshabeele oo Jowhar ka dhacaysa

caqiil by caqiil
October 23, 2017
in Wararka
0
Caleemo saarka Madaxweynaha Hirshabeele oo Jowhar ka dhacaysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta lagu wadaa magaalada Jowhar inay ka dhacdo Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyadoo ay ka qeyb galayaan Wafuud kala duwan oo ka kala socda Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

Qabanqaabada Munaasabada ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Jowhar, iyadoo la adkeeyay ammaanka, mas’uuliyiin ka socda Dowlada Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa saacadaha soo aadan lagu wadaa inay gaaraan magaaladaasi.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

September 10, 2025
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025

Mas’uuliyiinta hadda gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa kamid ah madaxda dowlad goboleedyada Koofur Galbeed, Puntland iyo Galmudug, iyadoo sidoo kale ay halkaas ku sugan yihiin xubno beesha caalamka ka socda.

Xildhibaano ka tirsan labada golle ee baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya, wasiiro dowladda federaalka ka tirsan iyo qeybaha bulshada ayaa sidoo kale ku qulquleya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeele.

Warbaahinta dowladda gaar ahaan Telefishinka qaranka iyo Radio Muqdisho ayaa si toos ah uga soo tabin doono xafladda caleemo saarka madaxweynaha Hirshabeele.

16-kii Bishii Septemper ee sanadkan ayuu ku guuleystay Mudane Maxamed Cabdi Waare doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka dhacday magaalada Jowhar.

 

Previous Post

Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay ammaanka gobolka “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Kheyre oo gaaray Jowhar

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay guddiga dib u eegista Dastuurka

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Kheyre oo gaaray Jowhar

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

September 10, 2025
0

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymaha ay ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Doha ee dalka Qatar, oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

September 9, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa u Magacabay Cabdullaahi Maxamuud Diiriye, Agaasimaha Santuuqa Qaran ee...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay shir ku saabsan kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay shir ku saabsan kahortagga leexsiga gargaarka bani’aadannimada

September 9, 2025
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) oo kaashanaysa Sanduuqa Carruurta Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa magaalada Muqdisho ku daah-furtay shir wadatashi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In