Roobkaan oo ay ku diirsadeen bulshada Soomaaliyeedย ayaa ka curtay saacadihii lasoo dhaafayย Gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.
Roobka ayaa ku soo beegmaya xili Dadka iyo duunyada ku nool deegaanada Gobolkaasi ay baahiweyn u qabeen iyadoo ay Gobolka Galguduud uu ka mid ahaa deegaanada ay saamaynta xun ku yeelatay abaarta ka jirta inta badan Dalka.
Maxamed-deeq Cabdi Maxamed Wariyaha Warbaahinta Qaranka Magaalada dhuusamareeb ee Gobolka Galguduud ayaa soo sheegaya in Roobku uu yahay mid ay ku diirsadeen bulshada Gobolka ayna soo dhaweeyeen raxmada alle.
Maalmihii lasoo dhaafay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Galguduud ayaa waxaa ka socday Salaado roob doon ah oo ilaahay looga baryayay in uu ka dul qaado xaalada abaareed.
Dhanka kaleย ย Maxamed-deeq Cabdi Maxamed Wariyaha Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in ay Gobolka Galguduud ka jirto ssmayn ka dhalatay diidmada iyo kala sooca Lacagta Shilin Soomaaliga ah oo wali ka taagan Gobolka taasina ay dhib ku noqotay bulshada Reer Galguduud.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka Wariyaha: