Friday, May 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Waare Oo Xalay Meel Fagaaro Ah Kula Hadlay Bulshada Bulshada Degmada Warsheekh “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Waare Oo Xalay Meel Fagaaro Ah Kula Hadlay Bulshada Bulshada Degmada Warsheekh “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad  lagu soo dhoweynayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay lagu qabtay Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelah dhexe, iyadoo Xalay xili habeennimo ay soo gaareen degmada Madaxweynaha iyo Wafdi uu hogaaminayay .

Waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa degmada ku soo dhoweeyay qeybaha kale duwan bulshada ku nool Degmada, Ra’isul Wasaarihii hore Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, Musharax Madaxweyne Jibriil, Xildhibaanno heer Qaran ah, Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Degmada Mudane Shiidka, iyo marti sharaf kale.

Related posts

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

May 21, 2026
Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026

Goobta munaasabadda ay ka dhaceysay ayaa waxaa heeso  ka turjumaya wadaniyadda iyo kheyraadka dalkeena iyo sida loogu baahanyahay in laga faa’deysto ku soo bandhigay fanaaniin ay ka mid eheyd fanaanada Nadar Axmed Cilmi, heesahaasi oo ay u riyaaqeen ka qeyb galayaasha munaasabadda.

Waxaa munaasabadda ku sugnaa oo wafdiga madaxweynaha qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Xubno ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Marwada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Marwo Maryan iyo saraakiisha Ciidamada Hirshabelle.

Munaasabadda intii ay socotay ayaa dadkii ka hadlay waxa ay muujiyeen sida lagama maarmaanka ay u tahay in la garab istaago Dowlad Goboleedka Hirshabelle la iskuna tashto.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe oo munaasabadii xalay ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhoweyntii loo sameeyay, waxaana reer warsheekh uu ku ammaanay nabadda ay heystaan iyo ilbaxnimada ay u leeyihiin marti soorida.

Sidoo kale  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa isna muujiyay sida ay uga go’antahay in la isku garab istaago nidaamka dowliga ah lagana shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa deegaanada maamulkani uu ku abtirsado, waxaana Madaxweyne Waare oo xaqiijiyay in dhowaan Warsheekh ay ka furi doonaan warshada sameysa kaluunka gasaceysan maadaama Warsheekh uu ilaah ku maneystay Xeeb aad u qurux badan oo dhex caagaagan Nimcada ilaahay.

Madaxweyne Waare oo sii hadlay ayaa ka codsaday Qurbo joogta Soomaaliyeed iyo kuwa ku abtirsada maamulka in ay maalgashadaan deegaanada Hirshabelle, waxaana ka maamul ahaan uu balanqaaday In ay la shaqeyn doonaan, waxaana carabka ku adkeeyay in dhowan ay dhisi doonaan Wadooyinka isku Xira Muqdisho iyo Jowhar, Warsheekh Iyo Balcad, iyo dhamaan Wadooyinka Maamulka ee bur bursan.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, Musharax Madaxweyne Jabriil, Xildhibaanad Mina Xasan Shibis, Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose Mudane Maxamed Caadle oo iyagana munaasabadda ka hadlay ayaa ka sheekeeyay qiimaha ay leedahay in la iska kaashado sidii loo horumarin lahaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle, waxaana Madaxweyne Waare ay u rajeeyeen in ilaah uu ka dhigo kii dadka dalka horumar gaarsiiya waxaana ay balanqaadeen in ay la shaqeyn doonaan Madaxweynaha.

—- Dhamaad—

                        Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Hirshabelle

Directorate Of Media & Public Relation Office Of The President Hirshabeelle State Of Somalia

Previous Post

Qaramada Midoobe oo Dowadda Suuriya ku eedeeysay weerar hunka Kiimikada loo adeegsaday

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Kulanka Todobaadka

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Kulanka Todobaadka

Dhageyso Barnaamijka Kulanka Todobaadka

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

May 21, 2026
0

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha Afrika ayaa billowday inay natiijooyin muuqda dhaliso. Arrintan waxaa shaaciyay Liu...

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada...

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

May 21, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa xalay kormeer ku tegay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed loogu diyaariyay...

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
0

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadey Nuurey Sheekh ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In